X
    Categories: Warar

Somaliland: Xaaladda Coronavirus Warbixinta Lagu Shaaciyay Muwaadiniin Iyo Ajaanib Laga Helay Xannuunka

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa k hadashay xaaladda xannuunka COVID-19, waxayna sheegeen in 48-kii saacadood ee u danbeeyay baadhitaan lagu sameeyay 147 qof oo yimi goobaha caafimaadka, kadib markii ay ka dareemeen caalamadaha xannuunka lag helay 29 qof oo ka mid ah dadkaa xannuunka COVID-19.

Sidaa waxa warbaahinta u sheegay Agaasimaha Waaxda Xidhiidhaka dadweynaha ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa sheegay in 29-ka qof ee laga helay xannuunka 24 ka mid ah ay yihiin rag, halka 5 qof ay dumar yihiin, isagoo xusay in ay isugu jiraan 23 muwaadiniin, isla markaana 6 qof oo ka mid ah dadkaa ay yihiin Ajaanib u dhashay dalka Hindiya.

Sarkaalka Wasaaradda Caafmaadka Somaliland, wuxuu sheegay in dadka laga helay xannuunka laga helay 16 ka mid ah ay ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa, halka magaalada Berbera ay ku sugan yihiin 8 qof iyo 5 qof oo ku sugan magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, warbixinta Wasaaradda Caafimaadka Somalialnd, ayaa lagu shaaciyay in tan iyo markii xannuunka lagu arkay gudaha Somaliland, laga baadhay 640 qof, waxaana kasoo kabtay oo ka bogsaday 121 qof, halka dhimashadu ay tahay 27 qof, iyadoo aan warbixinta maanta lagu sheegin in ay jiraan wax dhimasho ah oo cusub.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post