X
    Categories: Warar

Somaliland Xaaladda Coronavirus Iyo Tirooyinka Cusub Ee La Shaaciyay

Madaxa xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xuseen Maxamed Yuusuf

Hargeysa(ANN)-Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo warbixinaha COVID-19, maalin  walba la wadaagta warbaahinta , ayaa ka hadashay  maanta, tirada cusub ee xannuunka laga helay  oo noqonay 18 qof.qof.

Madaxa xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xuseen Maxamed Yuusuf, ayaa  sheegay in Wadarta isu-geynta guud Somaliland dadka qaaday xannuunka COVID-19, marka lagu daro tiradaa ay noqonayaan 376 qof,  halka dadka u dhintay ay gaadhayaan 22 qof, kuwa kasoo kabtay ee ka bogsadayna ay noqonayaan 54 qof.

Madaxa xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ka hadlayay tirada dadka cusub ee ay maanta shaaciyeen oo ah 18 qof,  ay 15 qof oo ka mid ah ku nool yihiin Magaalada Hargeysa, halka 3 qof oo kunool yihiin Boorama.

 

Warbixinaha Wasaarada Caafimaadka, ayaa muujinaya sida uu xannuunku ugu baahayo Magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera, walaw aannu jirin baadhitaan guud oo lagu oggaanayo sida ay xaaladdu tahay iyo heerka xannuunku gaadhsiisanyahay Magaalooyinka waaweyn, isla markaana dadka inta baddan la shaaciyo ee laga helo xannuunka ayaa ah kuwo iskood ula soo xidhiidhay Cusbitaalada iyo Wasaaradda Caafimaadka, kadib markii ay ka shakiyeen xannuunka COVID-19, ee ay isku arkeen calaamaddaha sida ay mar walba ku xusto Wasaaradda Caafimaadku warbixineheeda.

AKHRL: Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Shaaciyay In Ay Qabaan COVID-19

Somaliland waxay imika ka mid tahay meelaha uu cudurka uu kusii faafayo,  iyadoo maalin walba la soo bandhigayo tobannaan xaalado cusub ah,  iyadoo shalay laba kamid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Somaliland laga helay cuddurka Covid-19.

Wasiirka Wasaaradda Maalgeshiga Maxamed Axmed Cawed iyo Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technologyadda Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, ayaa labadooduba xaqiijiyey in laga helay xannuunka Covid-19 oo ay astaamihiisa isku-arkeen kaddib markii baadhitaan lagu sameeyey.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post