X
    Categories: Warar

Somaliland: Xaaladda Abaarta Ee Sii Xumaanay Iyo Gabadh Yar Oo U Geeriyootay Macaluul Deegaanka Caynabo

Araweelo News Network

Caynabo(ANN)- Xaalada Abaarta ee sii xumaanay, isla markaana ku baahday dalka Somaliland bari iyo galbeed, ayaa sababtay geerida Gabadh yar oo sideed jir ah, kaddib markii ay haraad iyo Gaajo ugu geeriyootay Kalajeex oo degmadda Caynaba hoos timaadda, waxaana laga dayrinayaa inay sababto xaaladu inay ugu geeriyoodaan haraad iyo gaajo caruur iyo dad waaweyn oo deegaankaasi ku nool.

Alla ha u naxariistee Gabadhan yar ayaa magaceedda la odhan jiray Farax Maxamuud Xuseen, waxaana da’deedda lagu qiyaasay sideed jir, iyadoo qoyska gabadhani ka geeriyootay ay sheegeen in muddo dhawr iyo toban cisho ah aanay wax cunin.

“waxaanu nahay qoyskan inanta yari ka geeriyootay, waxaanay u geeriyootay gaajo iyo haraad, haddii aan gurmad degdeg ah aan la helina waxa halis ugu jira caruur yaryar iyo kuwo waaweyn oo dhawr iyo toban cisho waxba cunin”ayey tidhi hooyo ka mid ah qoyskan inantu ka geeriyootay.

Abaarta baahsan ee ka jirta goboladda Bariga Somaliland ayaa sabab u ah in markii xoolihii dhamaadeen ay dadkiina qarka u saaran yihiin in haraad iyo macaluul darteed u geeriyoodaan, waxaana walaac xooggan laga muujiyey deegaanada saraar iyo meelo kale oo haddii aan gurmad degdeg ah lala gaadhin halis galin karta inay dad badan u naf waayaan duruufaha sii xumaanaya ee Abaarta.

Diihaal iyo rafaad, ayaa ka muuqata dadka abaaruhu ku raageen oo nafaqo daro iyo macaluul wehel u noqday, waxaanay dadkani noqdeen qaarkood kuwo lafo isa sudhan, kuwaas oo darxumada ka muuqda aanay indhuhu eegi Karin, isla markaana qaarkood xoolihii ka dhamaadeen.

Abaartan ayaa ka sii daraysa iyadoo deegaanadii bariga ee hore Abaartu ugu habsatay, ay xiligan usoo gudubtay deegaamada kale ee galbeedka oo qaylo laga soo sheegayo, iyadoo bilihii lasoo dhaafay dhawr qof haraad iyo gaajo ugu geeriyoodeen deegaamada Bariga ee abaartu ku habsatay.
Xukuumadda Somaliland, ayaa wada gurmad lagu samata bixinayo dadka iyo xoolaha, balse xaalada ayaa u muuqata mid baaxadeeda aanay wax badan ka qaban Karin.
Dhinaca kale Hoggaamiyayaasha Sadexda Xisbi qaran ee Somaliland ayaa maanta kulan ka yeeshay xaalada Abaarta, balse kulanaka wax natiijo ah kama soo bixin.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post