X
    Categories: Warar

Somaliland: Weftigii uu Hoggaaminayey Madaxweynuhu Oo Kusoo Hoyday Magaalada Burco

 

Burco(ANN()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo oo maalintii 11-aad galay ku marayey gobollo badan oo dalka kamid ah, ayaa caawa kusoo hoyday magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo hiirtii hore ee saaka kasoo baqoolay magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, isla markaana kulammo shaqo oo kala duwan ku qaatay magaalooyin tiro badan oo ku teedsan inta u dhaxaysa Burco iyo Ceerigaabo, ayaa caawa fiidkii hore kusoo hoyday magaalada Burco, waxana safarka madaxweynaha faah-faahin ka bixiyey Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Weftiga madaxweynaha oo soo caawa soo gaadhay magaalada Burco, saakana kasoo ambabaxay magaalada Ceerigaabo, waxa uu madaxweynuhu maanta ku hakaday oo uu hawl-maalmeed shaqo kusoo qaatay magaalada Ceel-Afweyn, halkaas oo uu kaga qabgalay dhammaystirka nabadayntii deegaanka Ceel-Afweyn, isaga oo kulamo kala duwanna la qaatay ergooyinkii dhexdhexaadinaysay beelaha walaalaha ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Ceel-Afweyn.”

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa lagu soo dhaweeyey dhammaanba magaalooyinka u dhexeeya magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco, waxana uu la hadlay shacabka ku dhaqan magaalooyinkaas oo ay ka mid yihiin Gadh-gumreed, Berkadda Cali Xirsi, War-idaad, Xayira, Ina Af-madoobe iyo Beer, iyada oo dadweynaha ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco ay madaxweynaha iyo weftigiisa si weyn usoo dhaweeyeen, una gelbiyeen dhinaca guriga madaxtooyada magaalada Burco.

 

Afhayeenku waxa uu guud ahaanba bulsho-weynta ku dhaqan deegaannada madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa socdaalka shaqo ku tageen oo soo dhaweyn aan kala hadh lahayn ku qaabiley, waxana uu safarka madaxweynaha ku tilmaamay mid loogu kuurgelayey xaaladda dalka, isla markaana lagu dardargelinayey mashaariicda horumarineed ee xukuumaddu ka waddo deegaanno badan oo gobollada Bariga dalka ah, laguna dhagax-dhigay mashaariic hor leh oo xukuumaddu deegaannadaas ka hirgelin doonto.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post