X
    Categories: Warar

Somaliland: Wefti Ka Socday Dalka Ereterea Oo Ku Laabtay Dalkooda

Hargeysa(ANN)-Wefti ka socday dalka Ereterea ee uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaa, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah uga amba baxay dalka Somaliland,.

Weftigan oo muddo saddex maalmood ah booqasho rasmi ah ku joogay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ku sii sagootiyey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ereterea, waxay mudadii ay joogeen kulamo kala duwan la qaatay hay’adaha kala duwan ee qaranka, sidoo kalena booqasho indho-indhayn ah ku soo maray qaar kamid ah xarumaha hay’adaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo suuqyada kala duwan ee caasimadda Hargeysa, ayaa indhahooda kusoo arkay nabadda iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaaday Somaliland.

sidoo kale wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan, ayaa ka mid ahaa xubnaha sii sagootiyay wefdiga Ereterea.


admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post