X

Somaliland: Wefdi Ka Socda Maraykanka Oo La Kulmay Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANI

Wefdiga Maraykanka oo la kulmay Higgaamiyayaasha WADDANI ee Xisbiga Mucaaradka, 16 August 2022, Image Araweelo News Network.

Guddoomiye Xirsi Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Ay Kala Hadleen

Araweelo News Network.

Somaliland: Wefdi Ka Socda Maraykanka Oo La Kulmay Higgaamiyayaasha Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANI Iyo Waxyaabaha Ay Kala Hadleen

Hargeysa(ANN)-Wefdi ka socda dawladda Maraykanka oo maalmihii u danbeeyay booqasho ku joogay Somaliland, ayaa kulan la yeeshay maanta madaxda xisbiga mucaaradka ee WADDANI.

Lama ogga waxyaabaha lagaga hadlay kulanka hoggaamiyaasha  xisbiga WADDANI iyo wefdiga Maraykanka, balse Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa war kooban kasoo saaray kulanka ay la yeesheen Wefdiga ka socda dalka Maraykanka.

Qoraal oo kooban oo Guddoomiye Xirsi, kaga hadlay ujeedada kulankaa iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen, ayuu ku yidhi,  “Maanta waxaannu la kulanay Wefdi Maraykanka ka socda oo maalmahanba Dalka joogay, kuwaas oo ah saaxiibbada Somaliland.” Ayuu yidhi.

Guddoomiye Xirsi, wuxuu qoraalkiisa ku xusay in ay soo dhoweeyeen wefdiga, “waannu uga mahadnaqnay dedaalka ay ugu jiraan aqoonsiga Somalialnd. Waxa aannu kala hadalnay si guud danaha Somaliland,”ayuu ku yidhi qoraalka, balse wuxuu si gaar ah u xusay in ay kala hadleen saddex qodob oo sida uu sheegay kala ahaa:

Xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee wakhtigan Somaliland ka taagan iyo dhibtii ku dhacday dadkii shicibka ahaa ee bannaanbaxa nabadgelyo samaynayay.

2. Aqoonsiga Somaliland, oo ah qadiyad ummadadeed, kaas oo dadka Somaliland ku midaysan yihiin, mana khusayso siyaasadda guddaha ee aannu ku qaybsannahay.

3. Mar walba Xisbiga Waddani wuxuu diyaar u yahay in khilaafka jira laga gaadho xal siyaasadeed oo wadahadal- dhexdhexaadin ku yimaadda, kaas oo Xisbigu muhiimad siinayo xal kasta oo ay hor kacayaan dadkayagu.”ayuu ku yidhi, qoraalka Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee WADDANI.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post