X

Somaliland Wefdi Ka Socda Dalka Denmark Oo La Kulmay Gudidda Doorashooyinka

 

#Araweelo_News_Network

 

Hargeysa (ANN)- Gudidda Doorashooyonka Qaranka ayaa maanta xaruntooda Hargeysa ku qaabilay Safiirka Dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen oo ay weheliyaan, Madaxa xafiiska Denmark ee Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Mathias Kjaer iyo sarkaal ka tirsan Safaaradda .

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska  Gudidda Doorashooyinka Qaranka,  ayaa lagu sheegay ib Labada dhinac ay ka wada hadleen halka ay marayaan hawlaha doorashooyinka isku-sidkan ee loo dareerayo 13 Novermber 2024

Sida lagu sheegay war-qoraalka Safiirka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen, wuxuu Gudidda Doorashooyinka ku amaanay sida ay ugu diyaargaroobeen Doorashooyinka Qoraalka ayaa lagu xusay in markii shirku soo dhammaaday, Xubnaha Gudidda Doorashooyinka ayaa Safiirka Denmark soo mariyay   bakhaarka lagu diyaarinayo agabka codbixinta doorashada 13ka November 2024.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post