X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirkii Horre Ee Khaarajiga Oo Ugu Baaqay Saddexda Xisbi Qaran Inay Si Nadiif Ah U Tartamaan

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo waqtigan ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ugu baaqay saddexda xisbi qaran in la iska ilaaliyo hadalka turxaanta leh waqtiga lagu jiro hawlaha doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan inay dalka ka qabsoonto 13 November 2017, haddii Ilaahay yidhaah.
Md. Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda kula hadlay madaarka caalamiga ah ee Hargeysa oo lagu soo dhaweeyey , waxa uu sidoo kale dadka muwaadiniinta ah ka codsaday inay si fiican u qaataan kaadhadhka codbixinta, una diyaargaroobaan codaynta doorashooyinka.
“Waxa inaga dhexeeya tartan, waxaanan gabi ahaantoodba kula talin lahaa axsaabta (xisbiyada qaranka) in la iska ilaaliyo hadalka turxaanta leh oo tartan xalaal ah oo nadiif ah, bulshaduna jeclaysato loo tartamo, ninkastaana uu ka soo qaybgalo maalinta doorashadu tahay, dadkuna ay qaataan kaadhkooda (codbixinta) oo ay muujiyaan inay maanta gacantooda ku ciil bixi karaan, waxaanan Ilaahay (SWT) ka baryeynaa in doorashadu si fiican oo nabad ah inoogu dhacdo, Ilaahayna waxa aan ka baryeynaa in aannu isbeddel khayr qaba idiin keeno,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi Yoonis.
Waxa kaloo uu ka hadlay ujeedada uu xilligan u yimmi caasimadda Hargeysa, maadaama oo uu muddooyinkii u dambeeyey deganaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
“Waxa aan si aad ah ugu mahadnaqayaa madaxda xisbiga WADDANI ee na soo dhaweeyey, waxaanan u immi in aan ka qaybgalyo berri (maanta) xaflad ballaadhan oo loo qabanayo hal-doorka Hargeysa iyo gobolkeeduba oo ku biiraya xisbiga WADDANI, taas oo aan hawsheeda hormuud ka ahaa oo aannu muddo ku jirnay, taas oo aannu jecelnahay in aannu si aad ah ugu soo dhawayno,” ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Geesta kale, murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayeen hoggaamiyaha WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde iyo saraakiil kaloo xisbigaas ka tirsan, ayaa si siyaasiga Maxamed Biixi Yoonis oo uu wehelinayo aqoonyahan Cabdixakiim Xaaji Siciid si ballaadhan ugu soo dhaweeyey madaarka Hargeysa shalay.
Aqoonyahan Cabdixakiin Xaaji Siciid oo muddo dheer ka soo shaqeeyay Qarammada Midoobay, socdaalkana ku wehelinayay Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inuu Xisbiga WADDANI ugu biiray sidii Somaliland loo badbaadin lahaa, loona horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post