X

Somaliland: Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Xasan Gadhweyne Oo Geeriyooday

Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne), Image file Araweelo News Network

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Allah haw naxariistee Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 03/10/2021, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

 

Marxuumka, ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddihii Soomaaliya iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna ahaa Oday ixtiraam iyo karaamo ay Bulshaddu u hayso oo dad isku wad lahaa.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlay geeridii marxuumka, ayaa ka tacsiyeey geeridaa marxkuumka , ayaa sheegay isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, in uu dhambaal tacsi ah u dirayo, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuumku.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruugcadaaya oo ka baxay dalka iyo dadka, wakhtigiisa inta ugu badana u adeegay bulshadiisa oo uu masuuliyad qaran u soo hayey xilalka badhasaabka Gobolka Saaxil, isla markaana ahaa maayarka Berbera xukuumaddii “AHU” Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo wasiirkii waxbarashada ee xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale kaahin, sidoo kale waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii burburtay ee la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya wakhtigana waxa uu ka mid ahaa haldoorka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Madaxweynuhu, wuxuu marxuumka Allah uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Bahda Shebekaddaha Araweelo News Network, oo ka murugaysan geeridaa, waxay tacsi taas la  mid ah u  dirayaan shacbiga Somaliland, qoyskii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne), waxayna si gaar uga tacsiyaynayaan geeridaa Khaalid Xasan Xaaji Maxamuud Warsame , waxayna Allah uga barayayaan marxuumka in Allah jannooyinkiisa ugu deeqo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post