Hargeysa(ANN)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, Cabdullaahi Cali Ibraahin (Cabdullaahi Guray), ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee ay martigelisay Xukuumadda Djibouti ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Cabdullaahi Guray oo xlka Wasiirka Gaashaandhiga kasoo qabtay Xukuumaddii Rayaale, ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa doodaha labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya, khudbadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay shirka iyo dhawaaqyadii kasoo yeedhay Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka mid ah xubnaha wefdiga Madaxweynaha Somaliland.
“Waxaan u mahadnaqayaa wefdigii Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi hoggaaminayay iyo qaabkii uu uga hadlay arrinta ay meesha u tageen iyo hadalkii guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo waafaqsanaa xaqiiqda dhabta ah iyo waxa ay tebayaan shacbiga Somaliland, waxayna madasha ka caddeeyeen oo taabteen qodobkii dadweynuhu ka war sugayay ee ay ka hungiri-qabeen in ay madasha ka sheegaan”ayuu yidhi. Cabdullaahi Guray oo warbaahinta qaarkeed kula hadlay maanta Magaalada Hargeysa.
Wuxuu sheegay in marka laga hadlayo arrimahan la fahmo marka hore in Somaliland iyo Soomaaliya ay ahaayeen laba dal oo midoobay, balse su’aashu tahay maxay ku midoobeen, isagoo sheegay in Somaliland markii ay xoriyadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Midawday ee United Kingdom, ay shan maalmood kadib la midawday Soomaaliya oo aan ahayn dawlad oo Talyaaniga ka qaadatay xoriyad.
“Somaliland waxa aqoonsaday dhawr iyo soddon dal, laakiin Soomaalida Koonfurta ma ahayn dawlad la aqoonsaday, waxa shuruud la’aanta loogu midoobay waxay ahaayeen Dawladnimadii Somaliland, Qaramada Midoobayna waxa la geeyay Calankii Somaliland ku qaadatay Xoriyadda Ee shanta xidigood lahaa, waxa ilaa maanta laysku haystaa waxay ahayd qaranimadii Somaliland ee ma jirin Koonfur dal ahaan looma aqoonsan mana jirto Dawlad ka dhalatay Muqdisho oo dunidu aqoonsatay ilaa maantadaa aynu joogno,” ayuu yidhi, Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliland Cabdullaahi Guray.
“Haddii Somaliland lasoo noqotay xoriyadeedii, waxa is weydiintu tahay maxaa dadka Koonfurta usoo hadhaya, xaggayse ku dhacayaan, xaqiiqdu waxa weeye inay ku dhacayaan meel cidla ah,”ayuu yidhi, wuxuuna tallooyin usoo jeediyay dadka Soomaaliya, isagoo sheegay in haddii aan dadkaasi xaqiiqda waajihin aannay guul ka gaadhayn waxa ay doonayaan, “Waxan leeyahay haddaa doonaysaan in wallaalnimo iyo in la wada noolaado iyo in ay wax ina dhexmaraan arrimaha Somaliland faraha kala baxa, waana inaad fahamtaan in dadka halkaa joogaa ay yihiin dad idinka idiin shaqeeya, ama aqoon ku xusa, ama si kale ku xusha, laakiin haw arkina dad Somaliland gacanta idiin soo gelinaya, taasi mid dhacaysa maaha ayaan leeyahay.”
Cabdullaahi Guray, wuxuu sheegay in annay Somaliland haday ku qaadanay lixdan sannadood, ama boqol sannadood aannay ka laabayn qadiyadeeda ee ay sidaa ku soconay oo Jiilba-jiil ka dhaxlayo oo halkaa kasii wadayo.
Wuxuuna Bulshada Somaliland usoo jeediyay in ay fahmaan dariiqa xaqa ah ee ay hayaan ee ay Madaxda Maanta dalka hoggaaminaysaa ku hagayso, isagoo tilmaamay sida uu ugu farxay khudbadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Bixii ka jeediyay furitaankii shirka, sidoo kale wuxuu xusay in marka la eego wefdiga dhanka Somaliland ka socday ee Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Edna Aadan u weyn yihiin ay ahaayeen xog-ogaal wixii dhacay, wixii umaddan kasoo dhexeeyay iyo halka ay maanta marayso oo aannay waxba seegayn.
“Gef kumay samayn, gardarona kuma samayne waxay idiin taabteen xaqiiqda ee waxan leeyahay, (Soomaaliya), kuwiina xaqiida qiraya keena, markaa ayaynu wax isla gaadhi karaa oo in aynu sidaa wallaalo xoriyadoodii kala ceshaday noqono.”
Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dalalka Djibouti iyo Ethiopia ee ku riyoonaya midnimo Soomaali mar kale dhexmarta, wuxuu sheegay in ay nasiibdaro tahay fekerkaa in ay qabaan maanta Ethiopia iyo Djinouti, isagoo sheegay in Djibouti ay ka mid ahayd shantii Soomaaliyeed eek u yaalay Calanka, qaybna ay Ethiopia haysto, halka qaybta kale ay Kiiniya haysto, sidaa awgeed wuxu sheegay in ay khalad tahay in Somaliland qaranimadeeda iyo rabitaankeeda ay kula soo noqotay la daba socdo, iyadoo labadaa dal ay ogyihiin in ay laba ka mid ah shantii Soomaaliyeed ku maqan yihiin.