Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa iftiimiyey in dhawaan la qaadi doono xannibaada Sucuudigu saaray dhoofka xoolaha Soomaalida oo dhawr bilood ka hor ay joojisay kadib markii ay sheegtay in laga helay xannuun.
Wasiir Cukuse oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay , ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu doonayo in Sucuudigu fasaxo xoolaha Soomaalida ee loo iibgeeyo, isla markaana waxa uu si kooban u tilmaamay inuu ka baxay warwarkii arrintaasi, waxaannu yidhi, “Halkan waxa imanayey qolo dhakhaatiir ah oo Sucuudigu soo dirayey iyo shirkii ka dhacayey Uganda labadaba waxa dib u dhigay, maadaama dhulalka Soomaalidu degto oo dhami ay ka qaybgalayeen shirarkaasi waxa mashquulsanayd oo doorashooyin gashay Soomaaliya, markaa waxay noqotay in la isla sugo oo ay arrintaa Sucuudigu go’aan ka gaadho, laakiin waxaan idiin sheegayaa xoolihii caawa warwarkoodu wuu naga hadhay annaga.”
Dhinaca kale, Wasiir Cukuse waxa uu hambalyeeyey muddo-kordhintii Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen golayaasha Qaranka ee kala duwan, waxaannu sheegay inay guteen qodobka ugu wayn ee waajibaadka dastuurka qaranku u igmaday, “Qaranku marka uu halkan oo kale galaba Golaha Guurtida ayuu sharcigu awood u siiyey inay go’aan ka gaadhaan xalka waxa ay moodayaan, waana dhaqan aynu leenahay oo dal ahaan ku soo noolayn in aynu ku qanacno go’aanka ay hay’adaha sharci-dejintu gaadhaan,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay heshiiska saldhigga Millatariga Imaaraadku ka samaysanayo Berbera ee Somaliland, kaasi oo uu sheegay inuu ka mid noqday waxyaabaha sababay in magaca Somaliland si wayn kor ugu kaco adduunka, waxaannu yidhi, “Somaliland intii ay soo jirtay waxyaabaha ugu wayn ee magaceeda kor u qaaday ayey ka mid yihiin heshiisyada maalgashigu oo DP World iyo saldhigga Millatariga ee Imaaraadka ee Berbera siday saaxadda warbaahinta adduunka u galeen dal kale oo innala mid ah oo intaas in le’eg la hadal hayey ma jiro, waxaanna inoo sababay uun tallaabada aynu qaadnay ee xukuumaddu ku dhiirratay.”
“Ninka la soo fadhiya xasadka ee leh wixii la sheegayey khalad buu ahaa, wixii la go’aamiyey ma jiraan, kuwa leh waxaannu ka mudaharaadaynaa London iyo mudaharaad kale ayaanu qaban doonaa, anigu waxaan is leeyahay waa caal-waa, haddii uu reer Somaliland yahay oo uu sidaa u fikiro ninkaa waxaan is leeyahay maskaxdiisa dib ha loogu noqdo, haddii uu Soomaaliya yahay oo uu damco inuu arrintaa ku fikirana awalba waanu is haynay,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdillaahi Cukuse.