X
    Categories: Warar

#Somaliland: Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Koore Oo Ku Sifeeyay Ganacsade Dr. Ismail Axmed Geesi Dadkiisa Usoo Gurmaday

Hargeysa(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jmahuuriyadda Somaliland,  Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa Mahadnaq balaadhan u diray Ganacsade Dr Ismaaciil Axmed oo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland,  soo gaadhsiiyey $ 1, 400, 000, (Hal Milyan iyo Afar Boqol oo kun), oo ah Agabka ka hor-ttaga Xannuunka Covid-19, gaar ahaan kuwa loo adeegsado in gaashaanka Gafuur-xidhka.

Qoraal uu ku Saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda oo soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u qornaa sidan:-

‘’Anniga oo ku hadlaya Afka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan halkan si aad iyo aad ah uga mahad-celinaynaa ganacsade Ismaaciil Axmed  oo ah Somalilander si dhab ah u muujiyey dareenkiisa wadanimo, isagoo gartay in uu gurmad agab caafimaad ah ugu deeqo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ah mid wax ka taraya ka hor-ttaga COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jmahuuriyadda Somaliland, Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) Araweelo News Network 20 April 2020.

Ganacsade Dr Ismaacii Axmed, waxa uu soo gaadhsiiyey xukuumadda $ 1, 400, 000, (Hal Milyan iyo Afar Boqol oo kun), kaas oo ah agabka ka hor-ttaga COVID-19 ee Gafuur-xidhka.

Waxa kale oo aan ku amaanayaa Dr Ismaaciil Axmed is xilqaankiisa wadanimo iyo garashadiisa fayoow ee uu ku gartay baahida dadkiisa iyo dalkiisa u qabaan agabkan caafimaad xilligan oo dunidu ku jihaysan tahay la dagaalanka cudurka Coronavirus, (COVID19).

Runtii caalamka oo dhan waxa ay ku jiraan dagaalka COVID19, geesiguna maaha ka xabada oo kaliya ku dagaalama, balse kan xaaladda aynu hada ku jirnaa waa dagaal, waxana kooxaha caafimaadka ee u adeega dadka uu soo ritay cudurkan loo aqoonsaday geesiyaal, sidaa darteed waxaynu Ismaaciil Axmed u aqoonsanay geesi usoo gurmaday dadkiisa xili loo baahnaa.

AKHRI: Maalqabeenka Caanka Ah Ee Xawaaladda Casriga Ah Ee #World Remit Oo $1,000,000, Ugu Deeqay Somaliland Agabka Ka Hor-tagga #COVID-19

Wasiirku, wuxuu ka Dalbaday Ganacsatada kale ee dalku inay talaabbadan oo kale qaadan, isagoo yidhi, “Ganacsatada waaweyn iyo muwaadiniintaba dalkaba waxa looga baahan yahay in ay ku daydaan Geesiga Ismaaciil Axmed, oo ay kaalintooda ka qaataan dagaalka lagula jiro cudurkan aafeeyey dunida oo dalkeenana hadda laga helay raadadkii u horreeyey ee COVID19”.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post