Hargeysa(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jmahuuriyadda Somaliland, Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa Mahadnaq balaadhan u diray Ganacsade Dr Ismaaciil Axmed oo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, soo gaadhsiiyey $ 1, 400, 000, (Hal Milyan iyo Afar Boqol oo kun), oo ah Agabka ka hor-ttaga Xannuunka Covid-19, gaar ahaan kuwa loo adeegsado in gaashaanka Gafuur-xidhka.
Qoraal uu ku Saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda oo soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u qornaa sidan:-
‘’Anniga oo ku hadlaya Afka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan halkan si aad iyo aad ah uga mahad-celinaynaa ganacsade Ismaaciil Axmed oo ah Somalilander si dhab ah u muujiyey dareenkiisa wadanimo, isagoo gartay in uu gurmad agab caafimaad ah ugu deeqo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ah mid wax ka taraya ka hor-ttaga COVID-19.
Ganacsade Dr Ismaacii Axmed, waxa uu soo gaadhsiiyey xukuumadda $ 1, 400, 000, (Hal Milyan iyo Afar Boqol oo kun), kaas oo ah agabka ka hor-ttaga COVID-19 ee Gafuur-xidhka.
Waxa kale oo aan ku amaanayaa Dr Ismaaciil Axmed is xilqaankiisa wadanimo iyo garashadiisa fayoow ee uu ku gartay baahida dadkiisa iyo dalkiisa u qabaan agabkan caafimaad xilligan oo dunidu ku jihaysan tahay la dagaalanka cudurka Coronavirus, (COVID19).
Runtii caalamka oo dhan waxa ay ku jiraan dagaalka COVID19, geesiguna maaha ka xabada oo kaliya ku dagaalama, balse kan xaaladda aynu hada ku jirnaa waa dagaal, waxana kooxaha caafimaadka ee u adeega dadka uu soo ritay cudurkan loo aqoonsaday geesiyaal, sidaa darteed waxaynu Ismaaciil Axmed u aqoonsanay geesi usoo gurmaday dadkiisa xili loo baahnaa.
Wasiirku, wuxuu ka Dalbaday Ganacsatada kale ee dalku inay talaabbadan oo kale qaadan, isagoo yidhi, “Ganacsatada waaweyn iyo muwaadiniintaba dalkaba waxa looga baahan yahay in ay ku daydaan Geesiga Ismaaciil Axmed, oo ay kaalintooda ka qaataan dagaalka lagula jiro cudurkan aafeeyey dunida oo dalkeenana hadda laga helay raadadkii u horreeyey ee COVID19”.