X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Warfaafinta Oo Shaaciyay In Laga Helay Xannuunka COVID-19

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), 14 September 2020, Araweelo News Network.

Araweelo News Network

 

Laascaanood(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa xaqiijiyay in baadhitaan caafimaad oo lagu sameeyay laga helay xannuunka COVID-19.

Wasiir Saleebaan Koore oo ka mid ahaa xubno Wasiiro oo hawlo shaqo u jooga gobolka Sool, ayaa sheegay inuu yahay qofkii ugu horeeyey ee lagu baadho shaybaadhka lagu oggaado cudurka COVID-19, kaddib markii ay xukuumaddu gaadhsiisay gobolka Sool qalabkaa baadhitaanka.

Mr. Koore oo Warbaahinta Kula Hadlay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa cadeeyay jawaabta baadhitaanka lagu sameeyay ee xannuunka COVID-19, ee lagu oggaaday inuu qabo xannuunka, wuxuuna xusay in xaalladiisa caafimaad wanaagsantahay.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta oo xubin ka ahaa guddidii xukuumadda Somaliland u saartay  xannuunka  COVID-19, ayaa sheegay in cudurkaasi muddooyinkii u dambeeyey uu bulshada caalamka saameyn weyn ku lahaa dad badan oo reer Somaliland ahna laga helay.

Balse dadku u qaateen inuu dhammaaday xannuunkaasi, walaw ay weli jirto khatarta cudurkaasi, sidaa awgeed loo baahanyahay in aan lays dhigan ee la sameeyo taxadar iyo feejignaan.

 

Mr. Koore, wuxuu sheegay in aannay xaalladan kusoo korodhay aannay waxba ka bedelayn shaqada qaranka u hayo  iyo hawshii shirka nabadaynta ee ay halkaa u tageen, degmada Adhi-cadeeye ee gobolka Sool.

Wuxuuna xusay in hwsha nabadaynta  intii ugu badnayd soo dhameeyeen isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),  oo ku weheliya hawshaa, isla markaana ay soo gabogabayn doonaan dhawaan Insha Allah.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post