Wasiir Koore, Wuxuu Sharaxay Qorshaha Xukuumadda Somaliland Ee Caabuqa Coronavirus iyo Miisaaniyada loo qoondeeyay
Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sharaxday xaaladda xilligan ee caabuqa COVID-19, ee dunida isku balaadhiyay iyo waxa uga qorshaysan qaran ahaan Somaliland. kadib markii ay kiisas lagu arkay ilaa shalay gaadheen 5 qof.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa hadlay arrimahaa iyo kuwo kale, isagoo sidoo kale jawaab kulul ka bixiyey Dawladda Itaalka daran ee Soomaaliya oo sida uu sheegay doonay inay marin habaabinayso shacbigeeda, kadib markii liiska ku darsatay ee ay tirsatay saddexdii qof ee shalay Xukuumadda Somaliland shaacisay in laga helay xannuunka Coronavirus.
Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, kaas oo uu ka hadlay siyaasadda Xukuumadda Somaliland ay kula dagaalamay xannuunka Coronavirus.
Waxa kaloo uu baaq u jeediyey shacbiga Somaliland oo uu ku booriyey in la gaadhay xiligii ay wax ka beddeli lahaayeen qaab nololeedkooda iyo hab-dhaqankooda.
Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore wuxuu shirkaas jaraa’id ka akhriyey qoraal dheer oo u qornaa sidan:-
WAAYAHA ADDUUNKA IYO Cudurka COVID 19
Waxaa maanta dunidda jahawareer ku riday oo ay la il daran tahay cudur cusub oo ah kuwa faafa oo ay ugu yeedheen CONVID19 ama Coronavirus, kaasoo si xawli badan oo la yaab leh iskaga kala gudbay muddo kooban dhammaan qaaradaha Adduunka, sidoo kalena dilay dad ka badan Boqol Kun oo qof, islamarkaana asiibay tiro ku dhow Malyan iyo Siddeed Boqol oo qof. Geesta kale wuxu kala xidhay guud ahaanba isku socodkii bulshada caalamka, Illaa haddana cudurkan COVID-19 looma helin daawo rasmiya ama tallaal lagaga hortago, iyadoo saameyntiisa iyo faafitaankiisaba ay ku kala duwan yihiin dalalku, taasoo lagu sababeeyey siday bulsho waliba u qaadatay tilmaamihii iyo farriimihii ka hortagga ee ay u gubisay dawladoodu oo ah sida kaliya ee lagu xakamayn karo COVID 19.
Waxa xannuunkan laga bartay waxoogaa waaya-aragnimo oo ah, in dalalkii ku tanaaday dhinacyada dhaqaalaha, caafimaadka iyo farsamadaba oo u badan waddamada Yurubta galbeed iyo Maraykanka, ayaa noqday kuwa uu sida ba’an u haleelay ee haddana tahli waayey tabihii iyo aqoontii ay bulshooyinkooda kaga badbaadin lahaayeen cudurka halista badan ee COVID-19, waxayna dantu ku khasabtay in halkii ay iyagu hore dunida u kaalmayn jireen,inay maanta iyagii kaalmo waydiistaan caalamka intiisa kale.
Xaaladda Qaaradda Afrika iyo COVID-19
Waxyeellada wejiyada badan ee cudurka COVID-19 ayey Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay ka digaysaa in haddii uu ku faafo waddamada Afrika ay noqon doonaan, kuwa uga nugul, ugana jilicsan dunidda inteeda kale maadama ay dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba ku hooseeyaan, balse wali waxa muuqata in tirada dadka uu soo ritay xannuunkani ee ku dhaqan dalalka Afrika, marka laga reebo labada dal ee kala ah; (Comoros iyo Lesotho) oo aanu iyaga wali haleelin, ay qiyaas ahaan le’eeg tahay ama waxyar ka hooseyso inta uu maalin kaliya ka dilay hal dal oo ka mid ah Yurubta galbeed iyo Maryakanka sida Talyaaniga, Spain iyo USA. Taasi macnaheedu maaha in aanu faafitaanka COVID 19 halis badan ku hayn qaaradda marka la eego tirada dadka uu soo ridanayo oo maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaysa.
Somaliland iyo COVID 19
Innaga dal ahaan markuu xannuunkani soo gaadhay dalalka aynu dariska nahay, waxa aanu markiiba magacownay Guddi heer qaran ah oo Guddoomiye u yahay Madaxweyne ku-xigeenka JSL, oo ay xubno ka yihiin Wasiirrada Wasaaraddaha Caafimaadka, Arrimaha Guddaha, Warfaafinta, Waxbarashada iyo Diinta iyo Awqaafta, iyadoo guddidaasi markiiba ka hawlgashay ogaanshaha xaaladda uu dalka ka marayo iyo u diyaargarowga sidii looga hortagi lahaa. Waxa Guddidu qaaday tallaabooyin ka hortag ah oo ay ka mid yihiin in la fasaxo dhammaan xarumaha Waxbarashada, in la mamnuucay goobaha la iskugu yimaado sida shirarka, xafladaha IWM, waxa ay dawladdu xidhay xudduudaha berriga ee dalka marka laga reebo waxyaabaha daruuriga ah sida daawooyinka iyo badeecadaha Ganacsiga, sidoo kale Guddidu waxay hirgeliyeen barnaamijyo Wacyigelin ah oo ka baxa Idaacadda iyo Telefishannada. Waxa kaloo Gobollada iyo degmooyinkaba ay Guddidu u kala direen 60 gaadhi oo kuwa dawladda ah oo ay raaceen 186 hawlwadeen oo ka kala socda Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Warfaafinta, kuwaasoo wacyigelin ka soo samayn doona deegaannada aanay idaacada iyo telifishannadu gaadhin.
Nasiib wanaag, illaa imika inta la hubo waxa dalkeenna laga helay Shan kiis, iyadoo Xukuumaddu sharci ka dhigtay in dhammaanba dadka Madaarrada iyo meelaha kaleba ka soo gala waddanka la karantimeeyo muddo 14 maalmood ah oo ah inta la hubinayo xaaladooda caafimaad iyo diwaangelin lagu sameeyey dhakhaatiirta ka hawlgala dalka iyo kalkaaliyeyaal mutadawiciin ah, si loogu yeedho haddii ay xaaladdu xumaato.
Dhaqanka Bulshadeenna iyo COVID-19:
Dal ahaan awoodeenna dhaqaale iyo farsamoba iyadoo ay kooban tahay ayaa haddana, waxa jirta in bulshadeenna ay ku adag tahay dhaqan ahaan in ay raacaan tilmaamaha iyo farriimaha wacyigelinta caalamiga ah ee Adduunku wada qaatay. Sidaa awgeed, waxaan bulshadeenna ku adkaynayaa oo aan farayaa in ay ku baraaruqaan halista uu nafaha bini’aadamka iyo nolosha kaleba u leeyahay, islamarkaana ay ka waantooban muddada uu xannuunkani jiro hab-dhaqankeennii hore sida; isku-imaatinka ururka ah, is-gacan qaadka iyo wada fadhiisiga oo aynu ku dedaalno raacinta tilmaamaha iyo farriimaha caafimaadka oo ah in la kala fogaado, lana joogteeyo farxalka iyo ilaalinta nadaafada guud.
Ku-talagalka Xukuumadda ee COVID-19
Qaran ahaan innaga oo ku xisaabtamayna awoodeenna dhaqaale, waxanu ka Xukuumad ahaan joojinay gebi ahaanba mashaariicdii dhanka horumarinta u qorsheysnaa iyo kharashaadka kale ee aan lagama maarmaanka ahayn ee ku jiray Miisaaniyad sannadeedka Qaranka 2020ka, iyadoo aanu u leexinay dhinacyada la-dagaalanka, ka hortagga iyo u diyaargarowga, haddiiba ALLE innaguma keenee uu Cudurkani sii fido.
Waxa kaloo ay Xukuumaddu soo iibisay mishiinnadii baadhitaanka cudurka COVID-19 kaasoo muhiim u ah la socodka iyo xaqiijinta hadba heerka uu dalka ka marayo, sidoo kalena waxan dadaal xoog leh u galnay, sidii aan Kaalmo dhinaca agabka caafimaadka iyo daawooyinka ah oo wax lagaga qaban karo COVID 19 uga heli lahayn dalalka aynu xidhiidhka dhow leenahay, taas oo aanu muwcaawinadii ugu horreysay ka helnay dalka isku-tagga imaaraadka Carabta oo innoogu deeqday qalabka caafimaad iyo daawooyinka COVID-19 oo gaadhaya lixdan tan (60 Ton)
Sidoo kale, waxa Xukuumaddu bilowday in ay iibsato dallagyada ka soo go’ay beeraha dalka, waxana ku talo-galku yahay iyadoo ay Guddida ka horrtagga iyo u diyaargarowga COVID 19 iyo Ganacsatada dalku ka wada-tashadeen xagga keydka Raashinka, in cunto innagu filan illaa AFAR bilood aan helayno, waxana lagama maarmaan ah in si wada jira ay ula socdaan Guddiga iyo Ganacsataduba hadba halka ay marayso arrinta keydka Raashinku, si aanay innoo wada dhaafin.
Maxaa inala gudboon?
Cudurkan oo ku socda xawaare dheer oo illaa imika cilinkiisa la saari la’yahay, waxa sida la innoo sheegay lagu hor-joogsan karaa fiditaankiisa, waa innaga oo si mideysan u qaadanna, kuna dhaqanna talooyinka, tilmaamaha iyo Farriimaha Caafimaad ee habeen iyo maalinba ay innoo soo jeedinayaan Culimada Caafimaadka ee dalkeena iyo kuwa kaleba ee ah, in la kala fogaado illaa laba mitir, meel kasta oo la joogo sida goob shaqo, hudheellada cuntada, kuwa shaaha, kafeega, hurdada, sarriibadaha iyo dhammaan goobaha kale ee lagu kulmo.
Marxaladdan adag ee dunidu ay maanta la baaxaadegeyso xag Caafimaad, dhaqaale, Waxbarasho iyo nolosha dadkaba, waxaan kaga gudbi karnaa inaan shicib, dawlad, Axsaab mucaarid iyo muxaafidba u mideyno dareenkeena oo intaan gacmaha is-qabsano aan dadkeena Miyi iyo magaalaba gaadhsiino Farriimaha wacyigelinta ah.
Markaan eegno Afrika, weliba Geeska Afrika oo aan ka mid nahay iyo dunidda inteeda kaleba, waxaynu taagannahay illaa hadda Al-xamdu Lillaah, balse inaan is-dhigano maaha oo aan dhegaheenana u raaricino inta sida khaldan dadka wax ugu sheegta ee tidhaa ‘Innagu shaqo kuma lihin Coronaha oo cid kale ayuu ALLE u soo diray’ waa been odhaahdaasi mid laga siman yahay Cadaan iyo Madowba, gaal iyo muslim koone ilaa koone Adduunka. Sidaas awgeed, waxaan leeyahay ha dhegaysanina dadkaas oo kale ee dhegaysta farriimaha kooxaha caafimaadka iyo warbaahintu idiin soo tabinayaan, waayo sidaas oo kaliya ayaa la iskaga ilaalin karaa COVID-19.
Gabadha Wasiirka Caafimaadka ee Xamar joogta, dhaqankeenna ma aha in gabdhaha lagu tiigaalo waxaase odhan lahaa inaad fahanto, xog ogaal badan haddii aanad u ahayna aad wax ka ogaato, haddii ciddi sidaas kugu tidhina aanay waxba ka jirin. Ma jirto cid sheegan karta Xuquuqaha gaarka ah ee ummadda reer Somaliland.
Xannuunkan qaabka loo maamulayo iyo cidda laga helay waa wax aanu annagu (Somaliland) maamulanay ee cid wax aanu u daba fadhinno ma aha, Gabadhaasna waxaan leeyahay intii kaa waaweynaydba is aragnay wax macno ah kuu sameyn mayso qof baa Hargeysa laga helay, horaynu u kala quusanee qoomamo la’aada.
Haddii aanu nahay Somaliland ma nihin dad cadow u ah ummadda reer Somalia oo neceb lana jecel inay ku sii dhex jiraan dhibka, baa’ba, qaraxa iyo in madaxdooda lagu ilaaliyo taangiyada. ma nihin dad la jecel inay dhibkaas ku sii dhex jiraan, Waxaanse leeyahay idinkuna noolaada annaguna waxaanu nahay dad isku tashaday waxna la idinka weydiin maayo arrimaha Somaliland.
Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya ayaa isaguna sheegay in ay agab caafimaad u soo direen Somaliland, arrintaasi waxba kama jiraan waxaanan leeyahay ‘Riyo haddii ay dib leeyihiin dabadooda ayey ku qaran lahaayeen’ waxaan leeyahay idinku isku filnaada cidna waxba ha tarinee.”ayuu yidhi, Wasiir Koore.