X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Warfaafinta Oo Abaaray Dareenka Kuwa Ku Hamiyaya Inay Jebiyaan Go’aanka Lagu Joojiyay Jaadka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jmahuuriyadda Somaliland, Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) Araweelo News Network Image File 20 April 2020.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa uga digtay dadka doonay inay qaadka laga mamnuucay dalka si tuugo ah usoo geliyeen magaalooyinka, waxayna ugu baaqday shacbiga inay la sahaqeeyaan ciidamada Booliska ee habeen iyo maalin u taagan ilaalinta badbaadada shacbigooda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta warbaahinta la hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay in xukuumad ahaan iyo dawlad ahaan ay go’aansadeen in la joojiyo qaadka soo gelayay dalka, iyadoo sabab looga dhigay si aannu caabuqa Coronavirus (COVID-19) ugu  faafin dalka.

“Xukuumad ahaan iyo Dawlad ahaan waxaan go’aansanay in la joojiyo jaadka, waxaan ku amaanaynaa ganacsatada qaadka keeni jirtay ee sida milgaha iyo maamuska leh noola qaatay joojinta qaadka, kuwaas oo ahaa kuwii ugu horeeyay ee nagu dhiiri geliyay guddi ahaan in la joojiyo qaadka, iyadoo lagala tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayuu yidhi. Wasiir Koore.

“Shacbiga Somaliland, waxaan ka codsanaynaa meel walaba  oo ay joogaan in aynaan noqon Askar iyo dad is baacsanaya, waana inay dadku fahmaan arrinta loo joojiyay qaadka in ay tahay arrin caafimaad oo dantooda ah, waa in aan Askarigii iyo naftii la dhibin, kharash la gelin, waad garan kartaan xilliga lagu jiro, iyadoo ramadaan ah, Askariga soconaya dhibaatada haysata, kuwa maskaxdooda ay ku jirto inay soo geliyaan qaadka Somaliland oo ka faa’idaystaan waxaan leenahay walaalayaal ka daaya. Laba arrimood uga daaya, marka hore ummadu waxay isku raacday in la joojiyo qaadka, marka labaad Ummadaada caafimaad-daro wax u keenaya inaad ku dhiirataa waxay u muuqataa in aannad ummada dan ka lahayn, waxay u muuqataa cida uu wax yeelayo iyo cida dhimaynaysa in aannad midna dan ka lahayn.” Ayuu yidhi, Wasiir Saleebaan Cali Koore.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadka doonaya inay sidan ku faa’idaan ay oggaadaan in iyagoo doonaya inay wax korodhsadaan ay khasaare la kulmaan, isagoo abaaraya dareenka dadka doonaya inay jebiyaan go’aanka ummada ee lagu joojiyay jaadda a ee sababta ugu weyni tahay xaaladda COVID-19, wuxuu yidhi, “Xannuunku cidna lama dhalan, waxaase laga yaabaa inaad kuwa aad ugu jeceshahay aad sabab u noqoto dhimashadooda, sidaa awgeed waxaan ka codsanaynaa Bulshada Somaliland inay Askarta la shaqeeyaan oo u fahmaan kuwo naftooda ilaalinaya, ayuu yidhi, Wasiir Koore.

Dhinaca kale, wuxuu Wasiir Saleebaan Cali Koore, amaan usoo jeediyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha xilligii Madaxweyne Siilaanyo, Maxamed Nuur Carraale Duur, xilligana ka mid ah saraakiisha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, oo sida uu sheegay mar uu ka hadlayay xaaladdaha dalka ay hadalkiisa ka muuqatay tudhaale iyo Odaytinimo.

u qabtay shir jaraa’id, ayaa sidoo kale ka hdlay billashada bisha barakaysan ee Ramadaan, wuxuuna u Allah uga baryay shacbiga Somaliland innuu ka dhigo kuwa Fadaa’isha Bishan Barakaysan ee Ramadaan ee inoo billanaysa Eebe ugu naxariisto

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post