X
    Categories: Warar

Somaliland Wasiirka Madaxtooyadda Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismayaal Xukuumaddu Ka Hirgelisay Deegaanka Kalabaydh Ee Sool

Araweelo News Network

Laascanood-Kalabaydh(ANN)-Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa xadhiga ka jaray mashaariic Horumarineed oo ay Xukuumaddu ka fulisay Degmada Kalabaydh Ee Gobolka Sool.

Wasiirka oo hogaaminayey Wefti balaadhan oo ka socda Dawladda Somaliland oo ku sugan gobolka Sool, kuwaas oo saaka gaadhay Deegaamo ay ka mid yihiin Kalabaydh iyo Dhuumay ayaa sidoo kalena ka hadlay dadaalka Xukuumadda Somaliland ay ugu jirto Nabadaynta iyo Horumarinta gobolka Sool.

Wasiir Xaashi oo warbaahinta ka hadlay ka dib furitaanka mashaariicaasi horumarineed ayaa yidhi “ Asalaamu calaykum, farxad ayey noo tahay in aanu maanta halkan xadhiga ka jarnay dhismayaal ay Xukuumadda Somaliland ka samaysay degmada Kalabaydh ee gobolka Sool, oo sadex qaybood ka kooban, saldhigii degmada booliska, gurigii martida, iyo xaruntii maamulka dawladda hoose ee degmada Kalabaydh. Dhismayaashani muhiim ayey u ahaayeen degmadan, degmadani waa mid weyn oo deegaan weyn kulmisa siyaasada ay Xukuumaddu ka leedanahayna waxa ay salka ku haysaa degmooyinka D-da ah in la kobciyo oo la weyneeyo oo adeegyo badan loo sameeyo. Mashaariicda aanu maanta furnay waxa kale oo ka mida xanaanada hooyada iyo dhalaanka MCH-ka ee magaalada Xidhxidh.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena ka hadlay degmooyinka kale ee Xukumaddu ay mashaariicda horumarineed ka fulisay Iyo saamaynta xaalada abaareed ku yeelatay mashaariicda horumarineed ee xukuumadda madaxweyne Axmed Silaanyo dalka ka waday, waxaanu yidhi “ Tan oo kaliya maaha meelaha ay Xukuumadda Somaliland dhistay sannadkii u dambeeyey meelo faro badan ayaanu dhismayaal badan ka fulinay, waxa ka mid ah degmada weyn ee Xudun, wax aka mid ah fiqifuliye, waxa ka mid ah Awr-boogays iyo Taleex oo Iyana aanu dhismayaal badani ay had aka socdaan, waxa ka mida magaalada Laascaanood oo mashaariic badan ayaanu hada ka wadno qaarna ay dhamaadeen, sidoo kalena waxa jira degmooyin ay noo qorshaysan in aanu mashaariic ka fulino oo ay Dharkayn-geeye iyo Widhwidh ka mid yihiin. Dadaalkii waxqabadka iyo mashaariicda waxa hoos u dhigay xaalada abaareed ee dalka ku soo korodhay waayo in meelo la dhiso hada waxa ka muhiimsan in dadka la badbaadiyo.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post