X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Safar Isaga Iyo Masuuliyiin Kale Ugu Baxeen Dalka Kuwait

Araweelo News Network

Maxamuud Xaashi


Hargeysa(ANN)- Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka isaga iyo wefti ka tirsan Xukuumaddu ay ugu ambabaxeen waddanka Kuwait.

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay ka hor intii aanay maanta ka dhoofin dalka in ujeeda socdaalkoodu ay tahay sidii ay kaalmo u aadan taakulada abaaraha ugu codsan lahaayeenk wadankaasi Kuwait, isaga oo geesta kalena ka hadlay deeq raashin ah oo dawladda Itoobiya ay Somaliland ugu deeqday.

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kalena shaaciyey wufuud kale oo ay u kala dirayaan wadama dariska si buu yidhi ay ugala hadlaan xaalada abaaraha ba’an ee dalka ka jira iyo caawimada aynu qaran ahaan ugu baahan nahay, mudane Xaashi ayaa sidaasi u sheegay qaar ka tirsan Saxaafadda dalka oo uu galabta kula hadlay Madaarka Cigaal oo uu ka dhoofayey waxaanu yidhi “ Galabta waxaan u ambabaxay waddanka Kuwait, waxa saaka halkan ka dhoofay xubno kale oo guddida abaaraha iyo xukuumadda ka tirsan, oo wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka caafimaadka, gudoomiyaha hay’adda sekada iyo mudane Sakariye oo guddida abaaraha ka tirsan, aniguna weftigaa ayaa ka mid ahaa galabta ayaan aniguna ka daba-tagayaa idamka ILAHAY, waxaanu u kicitimaynaa waddanka Kuwait, waxaanu la kulmaynaa dawladda Kuwait iyo hay’adaha khayriga ah ee waddankaasi.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu intaasi ku daray “ Ujeedada socdaalkayagu waxa ay tahay in aanu taakulayn ugu doono dadka tabaalaysan ee ummadda Somaliland ee abaaruhu saameynta weyn ku reebeen, Xukuumaddu waxa ay wadaa dadaalo badan oo ay taakulayn ugu raadinayso dadkaas, hadii ay tahay mid aynu inagu isku tashanayno Xukuumad ahaan wixii aanu bixin karno, wixii shacbiga Somaliland qaadhaan aanu ka guri karno iyo wixii dalalka aynu saaxiibada nahay aynu ka baahaysan karno.”

Wasiiradda Madaxtooyadda iyo Duulista Hawadda

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa geesta kalena ka hadlay wufuud ay Xukuumaddu u kala dirayso wadamada jaarka waxaanu yidhi “ Waxa dhawaan ilaa Isniinta bixi doona wefti weyn oo u bixi doona wadamada Jabuuti, Kiiniya, Yugaandha iyo Tansaaniya wadamadaas oo dhan u bixi doona, waxa wadanka Itoobiya ku maqan wasiirkii khaarajiga iyo xubno kale oo iyaguna la socda oo shirka midowga afrika ka wada hawlo dublamaasiyadeed, waxa uu maanta wasiirku la kulmay wasiirka khaarajiga Itoobiya wuxuu u bandhigay xaaladda abaarta, kaalmo ayeynu dawladda itoobiya waydiisanay, waxa ay inoogu yabooheen ilaa sadex kun oo tan oo qamadi iyo wixii la mid ah, waxa kale oo ay inoogu yabooheen calaf wixii ay ina siin karaan inay ina siiyaan, dadaaladaas oo dhami waxay ay ka turjumayaan walaaca xaalada abaareed ee bulshada Somaliland haysata waxaanu bulshadda ugu baaqaynayaa inay isu naxariistaan isna kaalmeeyaan.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post