X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Maaliyaddu Muxuu ka yidhi Lacagta Baarlamaanku Diiday Ee Dowladdu qaado?

Somaliland Ministry of Foreign Affairs Dr. Sa'ad Ali Shire. By Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inaanay Shacabku ku qasbanayn qaadashada Bilaydhada Taarikada cusub ee Baabuurta, balse qofkii isagu doonayaa uu qaadan karo oo laga iibinayo.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shari ahaan diideen inay ansixiyaan markii ay meel-marinayeen miisaaniyad-sannadeedkii 2018-kii, balse Wasaaradda Gaadiidka, ayaa Taarikada cusub dadka ka iibisa.

Wasiirka horumarinta Maaliyadda oo waraysi gaar ah Siiyey Weriye Maxamuud-Jawhar oo ka tirsan Telefeshinka Star, ayaa ka jawaabay dhaqdhaqaaq la’aanta dhinaca dhaqaale ee ay Bulshadu aadka uga cabanayso tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi. Waxa kale oo uu ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey Sicir-bararka, hoos-u-dhaca sarrifka doollarka ee aan wax kale hoos u dhicin intuu doollarku jabay, halka marka uu qaaliyoobo wax waliba qaaliyoobaan, isticmaal la’aanta Lacagta Somaliland ee ay Ganacsatada, Dugsiyada gaarka ah, Maddarasadaha iyo ganacsiyada gaarka ahiba wax ku baayacayaan, ku qaadayaan fiiga, waxna ku iibinayaan iyo sababaha ay dowladdu wax uga qaban wayday.

Qodobbadaas iyo kuwo kale, ayuu ka hadlay Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire waraysigan uu siiyey Star TV, waxaana waraysigaas oo dhammaystiran iyo sida uu u dhacay-ba, aannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post