Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa soo saartay wareegto Madbacada Qaranka loogu soo celinayo dhammaan Daabacaadda Liisamada Gaadiidka, Buugaagta Gaadiidka, Baasabooradda, Wada-marista iyo Stamp tax-ka cashuuraha oo shirkado gaar loo leeyahay gacanta ugu jiray sanadihii u danbeeyay.
Sidaana waxa lagu sheegay wareegto uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi oo ku taariikhaysan 2 Oct 2018.
Wareegtadaa ayaa u qornayd sidan:-