Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa soo bandhigtay waxyaabaha ku cusub odoroska miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2017 iyo hab cashuuro aan toos ahayn loogu soo rogayo badeecadaha iyo cuntooyinka la iibiyo, si ay beddel ugu noqdaan dhaqaalihii ka soo xeroon jiray dhoofka xoolaha nool ee dawladda Sucuudigu joojisay.
Marwo Samsam oo buugga odoroska miisaaniyadda 2017 u gudbisay Golaha Wakiillada, waxa ay tilmaantay in miisaaniyadda ay diyaariyeen 27.5% ka badan tahay tii sannadkii hore ee 2016.
“Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa miisaaniyaddii 2017-ka oo ka kooban dawladda dhexe, hay’adaha madaxabannaan, dawladaha hoose iyo dakhliga deeqaha hay’adaha caalamiga ah iyo dakhliga mashruuca maamul-daadajinta.
Waxay miisaaniyaddani dheertay miisaaniyaddii hore oo ay ka korodhay 27.5% oo ay ka badan tahay, waxa hay’adaha ku dhex jira oo aad ku arki doontaan buugga la idin siiyey, maadaama sharciyadii Maamulka Maaliyadda Qaranka (Public Finance Management) ee aad idinkuna ansixiseen ee la dhaqan-galiyey ay keeneen in lacagihii Baanka Adduunka (World Bank) ee deeq-bixiyayaashu toos ugu shubi jireen meelaha kale inay Wasaaradda Maaliyadda soo marto, markaa kaas ayaad ka arki doontaan in Wasaaradda Maaliyadda ay $4 milyan oo doollar ku jiraan, SDF (Sanduuqa Horumarinta Somaliland) oo Wasaaradda Qorshaynta ay siddeed milyan ($8 milyan) ku jiraan. Wasaaradda Degaanka waxa ugu jira hal milyan iyo dheeraad doollar, markaa dhammaan lacagahaasi toos waxa ay u soo mareen Wasaaradda Maaliyadda, waaana saxeexa Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, maamulka lacagta ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo kolba wasaaradda lacagtu u socoto,” ayey tidhi Wasiirka Maaliyadda.
“Miisaaniyadda sannadkan 2017-ku waxa ay maraysaa marka la isu geeyo lacag dhan 2, 175,104,355,662 oo Somaliland shillin ah (laba tiriliyan, boqol iyo shan iyo toddobaatan bilyan boqol iyo afar malyan saddex boqol iyo shan iyo konton kun iyo lix boqol iyo laba iyo lixdan shillin), doollar ahaanna waa $362,517,393 (saddex boqol, laba iyo lixdan milyan, shan boqol toddoba iyo toban kun iyo saddex boqol saddex iyo sagaashan doollar).
Waxa xoogga la saaray oo sannadkan aad arki doontaan qalabka iyo saanadda ciidammada dalka ee kala duwan. Kharashka doorashooyinka oo iyagana markii aannu shirar la galnay qolooyinkii deeq-bixiyeyaasha in lacagihii ka baxay ku yara xisaabtameen oo ay yidhaahdeen lacagihii baa naga yaraaday, markaa waxaannu ugu talogalnay doorashooyinka haddii lacag laga waayo hay’adaha iyo deeq-bixiyeyaasha in dawladda Somaliland madaxa ku qaadato, markaa toban milyan oo doollar ($10 milyan) ayaa iyagana ugu jira, waana kharashka doorashooyinka iyo bixinta kaadhadhka codbixiyeyaasha.”
Wasiir Samsam, ayaa sidoo kale ka hadashay kordhinta mushaharka shaqaalaha dawladda iyo ciidammada, waxayna tidhi; “Kordhinta mushaharooyinka shaqaalaha dawladda iyo ciidammada oo dhan oo iyagana la kordhiyey boqolkiiba toban (10%) sannadkan 2017. Waxa kaloo ku jirta ictiraaf-raadinta oo laba milyan oo dollar aannu ugu darnay. Abaaraha oo iyagana laba milyan ($2 milyan) lagu daray. Mashruuca dhiraynta degaanka ee Wasaaradda Degaanka iyaduna way ku jirtaa.”
Waxa kaloo ay sheegtay in miisaaniyadda 2017 lagu daray dhaqaale loo qoondeeyey in lagu soo iibiyo qalab lagu baadho tayada biyaha, raashinka iyo dawooyinka, “Waxa jira warshado badan oo biyaha sifeeya, markaa xannuuno yaryar oo baryihii hore aan soo badan jirin ayaa jira, markaa in laab biyaha lagu baadho iyo cuntooyinka iyo dawooyinkaba lagu baadho in la keeno, kaana lacag ayaa ugu jirta miisaaniyadda.
Baanka Dhexe ee Somaliland waxa ugu jira lacag dhan lix milyan oo dollar ($6 milyan) oo loogu talogalay in lagu fadhiisiyo sarrifka kolba sida aadka ah kor ugu kacaya, taas oo lagula tacaali doono qiimaha sarrifka lacagaha kala duwan.”
Marwo Samsam Cabdi Aadan oo faahfaahinayeysay waxyaabaha kale eek u jira miisaanadda 2017 waxa ay tibaaxday, “Dhismaha guriga martida ee Boorama oo sannadkii hore bilaabmay oo dhexda ku kala go’ay iyagana intii ka hadhsanayd ayaanu sanadkan ugu darnay. Dhismaha MCH-yada Madaxweynuhu dhagax dhigay. Dhismaha goobaha dab-demiska Boorama, Burco iyo Wajaale. Dhismaha garoonka cusub ee Shulaac Stadium. Dhismaha Guryaha Macallimiinta oo sannadkan aannu ugu talogalnay in marba Village (xaafad) macallimiintu leedahay la dhiso, markaa sannadkan nus milyan doollar ayaa ugu jira in macallimiinta guryo loo dhiso.
Dhismaha goobaha kalluunka, dhismaha rugta kutubta Berbera, dhismaha Rugta Kutubta Boorama, dhismaha jeelka Burco, dhammaystirka xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda, waxa noo socda dhismaha Wasaaradda Maaliyadda ee Wajaale oo dhammaad maraya, Berbera oo dhammaad maraya iyo Burco oo aannu bilaabayno dhammaystirkooda, dayactirka garoonka kubbadda koleyga ee Timacadde oo sannadkan aannu ugu darnay lacag ku filan oo dhammaystirta.
Daryeelka iyo dib-u-dhiska iskuullada dalka; iskuullada cusub waxa dhisa hay’adaha, laakiin iskuullada dayactirkooda iyo dib-u-dhiskooda kuwii hore in dib loo hagaajiyo Wasaaradda Waxbarashada ayaa shaqo ku leh, markaa iyadana lacag ayaa loogu daray.”
Waxa ay intaa ku dartay, in mudanayaasha Golaha Wakiillada loogu daray miisaaniyadda 2017 dhaqaale loo qorsheeyey in qaranka loogu soo iibiyo qalabka caafimaadka, dab-demiska, iibisiga gaadiidka iyo qalabka xafiisyada wasaaradaha iyo hay’adaha, kaalmada Mad-xafka SURYAN, kaalmooyinka Agoomaha, iyo Ururka SOLJA iyo ururka Naafada Qaranka oo sannadkii horena ku jiray.
Maxaa ku cusub miisaaniyadda 2017?
“Waxa kaloo sannadkan ku dheeraad ah oo ku cusub, dhaqaalena loogu daray miisaaniyadda waxa ugu horreeya Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista, Ururka Dhakhaatiirta, kaalmada dalladda dhallinyarada ee SONYO iyo mashruuca xannaanada xoolaha, wixii dheeraad ah ee ku jira waa intaas, wixii kalena waa kuwii sannadkii hore ku jiray.”
“Waxa kale oo dakhliga sannadkan ina soo galaya ee dheeraadka ku ah waa toban milyan oo shirkadda DP World ay Entry ticket (xaqul-qalin) ku bixinayeen iyo $2.5 oo ah kiradii dekedda Berbera, intaasina waxay ku jiraan dakhliyada ina soo galaya sannadkan oo aynu filayno January 2017-kan haddii Ilaahay yidhaahdo.”
Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa caddaysay inay la yimaaddeen qorshe cashuuro aan toos ahayn loogu soo rogayo iibka badeecadaha iyo cuntooyinka, habkaas oo la yidhaah GST (goods and service tax), kaasoo noqonaya beddelka cashuurihii ka soo xeroon jiray dhoofka xoolaha nool haddii dawladda Sucuudigu si rasmi ah u joojiso.
“Haddii ay dhacdo in xoolaha la joojiyo waxa aannu bilawnay GST (Goods and service tax) ama waxa la yidhaahdo VAT (Value Added Tax) oo koobka shaaha ahba wax yar ayaa saaran oo xisaabiyaha la ag dhigayaa oo aannu keenaynaa, markaa wixii la iibiyaba wuu la soconayaa GST-gaasi amma kuwii ahaan jiray (Value Added Tax) oo adduunka oo dhan ku shaqeeyaan hadda,” ayey tidhi.
Waxa kaloo ay xustay inay dhaqa-ngelayaan shuruuc ay hore u ansixiyeen Golaha Wakiillada, kuwaasoo fududaynaya in lacago badan oo qaadhaan-bixiyeyaashu ku tabarucaan ku dhacaan Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo tilmaantay in dhaqaalaha mashruuca maamul-daadejinta ee GPLG loo yaqaan iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF- ay hadda ku jiraan buugga miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2017, haddii Ilaahay yidhaa.
Geesta kale, Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada, ayaa shahaado sharaf ku maamuusay Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay sheegeen inay ku mutaysatay sida ay uga qaybqaadato arrimaha bulshada, taas oo uu guddoonsiiyey Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Md. Baashe Maxamed Faarax.