X

Somaliland: Wasiirka Maaliyadda Oo Mergaday Su’aalo Xildhibaanadu Ka Weydiiyeen Miisaaniyadda 2022

Xildhibaan Axmed Jaamac Saalax, 27 December 2021, Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xildhibaanada gollaha wakiillada Somaliland, ayaa ku boobay su’aalo la xidhiidha miisaaniyadda 2020, wasiirka Maaliyadda Sacad Cali , kaddib markii uu fadhigii gollaha hor yimi Isniintii si wax looga weydiiyo qorshaha miisaaniyadda.

Fadhiga uu guddoominayay guddoomiyaha gollaha Cabdirisaaq Khaliif, waxay muddanayaashu su’aalo kala duwan ka weydiiyeen wasiirka, kadidib markii uu sharaxaad guud gollaha ka siiyay Odoroska mala-awaalka miisaaniyadda 2022.

Xildhibaanada qaarkood waxa ka muuqday diyaar garaw iyo xog-ogaalnimo baddan oo sababatay in meelaha qaar wasiirka Maaliyaddu ku mergado su’aalaha laga weydiiyay, kuwaas oo jawaabaha qaarkood jawaabaha uu ka bixiyay muujiyeen mad-madaw qaab xisaabeedka dakhliga dalka.

Mawduucyada ay mudanayaasha inta baddan su’aalaha ka weydiiyeen wasiirka, ayaa u badnaa arrimaha caafimaadka, waxbarashadda, Abaraaha, Daryeelka dadka Jilicsan, qaabka loo maamulo dakhliga dalka, qorshaha wasaaradda maaliyadda ee qoondaynta miisaaniyadda 2022, qaabka loogu shaxeeyay wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee qaranka.

Xildhibaan Axmed Jaamac Saalax iyo Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo mid ahaa xildhibaanadii su’aalaha ugu kululaa weydiiyay Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire ee uu ku mergaday jawaabahooda.

Halkan ka Daawo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post