X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Maaliyada Oo Sheegay Inay Hoos u dhacay Miisaaniyada Qaran Ee 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo guddoominaya shirka golaha wasiirada oo u qabsoomay qaab maqalka iyo muqaalka. 16 April 2020. Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in mala’awaalka miisaaniyad-sanadeedka qaran ee 2020, ay hoos u dhacayso, taas oo sida uu sheegay ay sabab u tahay caabuqa Coronavirus ee sida weyn u saameeyay dhammaan dhaqaalaha aduunka.

Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sidaa ka sheegay shirkii golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Fadhiga golaha wasiirada ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka, iyadoo golaha wasiirradu shirka kaga qaybgaleen xafiisyadooda, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Arrintan ayaa qayb ka ah talooyinka caafimaad ee xannuunka Covid-19, lagaga hortegi karo, si looga feejignaado, iyada oo wasaaradda Is-gaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland soo diyaarisay habkan casriga ah ee shirku ku qabsoomay. Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedkaa oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekadda Araweelo News Network.

“kulankaa waxa lagaga arrinsaday xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus (Covid 19) oo ah mid dunida aafeeyey, iyadoo xukuumadduna dedaal ugu jirto xakamaynta iyo ka hortagga xanuunkaasi sidii aanu dalka iyo bulshada ugu faafi lahayn, ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac.

Wasiirka horumarinta caafimaadka, Cumar Cali Cabdullaahi oo warbixin ka jeediyay shirka, ayaa sheegay inay ku jiraan dadaalka iyo u diyaargarawga  ka hor-tagga, iyadoo ay wasaarad ahaan kaashanayaan guddida heer qaran ee u diyaargarawga iyo ka hortagga xannuunka, isla markanaa ay xil weyn iska saareen badqabka bulshada.

 wuxuu sheegay in baadhitaanno lagu sameeyey dad looga shakiyey xannuunka, isagoo xusay tirada rasmiga ah ee xannuunka laga helayna ay tahay shantii qof ee horre loo shaaciyey, halka laba qof oo laga shakisan yahana jawaabta shaybaadhkooda la sugayo weli, sidoo kale waxa uu wasiirku xusay in gobol walba  iyo xuduuddaha dalka  ay ka hirgeliyeen goobo u gaara xannuunka oo ay ku sugan yihiin hawl-wadeenada Wasaaradda caafimaadku.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isla markaana ah guddoomiyaha guddida heer qaran ee u diyaargarawga iyo ka hor-tagga xannuunka covid 19, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa golaha warbixin ka siiyay hawsha ay wadaan, isagoo xusay inay hadh iyo habeen heegan ugu jiraan ka hor-tagga iyo diyaar garowga xannuunka Covid-19, iyagoo kaashanaya guddiyada gobolada iyo degmooyinka ilaa haddana si fiican ay hawshu ugu socoto, wuxuna tilmaamay madaxweyne ku xigeenku in ay socoto fulinta go’aamadii ay soo saareen. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada, Dr. Sacad Cali Shire  ayaa golaha warbixin ka siiyey saamaynta dhaqaale ee uu xannuunku ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha dunida, gaar ahaanna Somaliland, isagoo wasiirku caddeeyey in xannuunkani saameeyey mala’awaalka miisaaniyad-sanadeedka qaran ee 2020, sababina karo hoos u dhac dhaqaale, sidaa awgeed la tashiili doono miisaaniyada dalka, iyadoo dawladduna qorshe ka yeelan doonto  saamaynta dhaqaale ee xannuunkani bulshada ku keeni karo.ayaa lagu yidhi, qoraalka.

 Geba-gebadii, waxa goluhu isla qaateen  in la dardargeliyo baraarujinta iyo wacyigelinta bulshada ee xannuunka covid-19, iyagoo shacabka usoo jeediyey inay u hoggaansamaan awaamiirta guddida heer qaran ee covid 19  iyo talooyinka caafimaad ee la soo saaray, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post