X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Horumarinta Beeraha Oo Kulan La Qaatay Safiir Ku Xigeenka Jarmalka U Fadhiya Kenya Iyo Qodobbada Ay Ka Wada Hadlee

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed, ayaa xarunta wasaaradda kulan kula yeeshay wefdi uu hoggaaminayo safiir ku xigeenka Jarmalka u fadhiya dalka Kenya Mr. Marius Rauh iyo saraakiil kale oo ku weheliyay booqashada uu ku yimi Somaliland.

Shirkan oo ay wasiirka horumarinta Beeraha ku wehelinayeen Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacas) iyo xubno ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda ayaa ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen, balse markii uu dhamaaday waxa warbixin kooban warbaahinta siiyay wasiirka iyo safiir ku xigeenka, iyaga oo ka warbixiyey ujeedada kulankooda.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo ka hadlaya kulankaa yidhi, “Maanta waxa nagu soo booqday wasaaradda houmarinta beeraha safiir ku xigeenka Jarmalka iyo wefti uu hoggaaminayo, waxaanu ka wadahadalnay mashaariicda ay dalka ka wadaan ee ay wasaaradda Beeraha nagala shaqeeyaan iyo wixii dambe ee imanaya sidii aanu uga wada shaqayn lahayn”.

 

Safiir ku xigeenka Wadanka Jarmalka u fadhiya Kenya, ayaa dhankiisa ka waramay kulanka ay la yeesheen wasiirka horumarinta Beeraha Somaliland, wuxuuna, isagoo arrintaa ka hadlaya, “Jarmalku aadbuu ugu faraxsan yahay inuu Somaliland ka caawiyo mashaariic la xidhiidha joogtaynta khayraadka maamulka Dhulka iyo Biyaha, gaar ahaan mashruuca Biyo qabatinka Biji, waxaanan rajaynayaa in mashruucaasi noqdo mid guulaysta”. Mr. Marius Rauh.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post