X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Gaashaandhigga Oo Sharaxay Qorshaha Istaraatiijiyadda Difaaca Qaranka

Araweelo News Network

Ciise Axmed Yuusuf

Hargeysa(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Difaaca ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Ciise Axmed Yuusuf (Ciise Xawar), ayaa caddeeyey inay gacanta ku hayaan sidii loo samayn lahaa qorshaha heer qaran ee istaraatiijiyadda difaaca dalka Somaliland.

Wasiir Ciise Xawar oo khudbad ka jeediyey fadhigii Golaha Wakiillada  oo lagu ansixiyey wasiirro xukuumadda ka tirsan oo uu ku jiray, waxa uu sheegay in Somaliland u baahan tahay siyaad difaac oo heer qaran ah, sidaa darteedna ay diyaarinteeda ku hawlan yihiin.

“Waxa iyana aannu diyaarinaynaa oo noo taalla qorshaha istaraatiijiyadda difaaca ee qaranka (National Defence Strategy Plan), taasi waxay sameynaysaa in aannu annagu jaan-goyn sameyno oo istaraatiijiyad aannu yeellano waxay qabanayso laba sanno aannu ku salayno. Labadaas sanno ee soo socota waxay Wasaaraddu qabanayso, taas oo macnaha qeybqeyb u odorosayno waxa aannu bartilmaameed yeellanayno, taasna hawsheeda waannu ku gudo jirnaa oo 2018 ilaa 2020 in aannu qorshe cad oo wasaaraddu ku shaqeyso aannu yeelato,” ayuu yidhi Wasiirka Difaaca Somaliland.
Waxa kaloo uu ka hadlay baaxadda shaqo ee Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaannu yidhi; “Wasaaraddu waa wasaarad ballaadhan, ciidammada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan ayaa hoos yimaadda, saddex ciidan oo kala duwan, maxkamadaha millatariga ayaa iyana hoos yimaadda, waa wasaarad baaxadeedu aad u ballaadhan tahay.

Intaasi waxaan ku darayaa, waad ogtihiin oo xaalad yar oo xagga bariga ka jirtay ayaa jirta, inay saaka [14/01/2018] ciidammadu nabadgelyo iyo nabad-sammaan ku waa-bariisteen oo aan wax carqalad ahi jirin. Guux guux wuu iska jiraa, oo abaabulo waa la dareemayaa, laakiin Al-xamdulillaahi oo waa nimco Illaah weeyaan oo saaka (shalay subax) ciidammadu nabadgelyo ayey ku waa-bariisteen.”

Wasaaradda waxa ugu horreeya, markaan daraasad iyo wada-tashi ku sameeyey in aannu dib-u-habayn ku sameyno, maadaama culeyskeeda iyo baaxadeedu hadda kordhay, hay’ado qaarkood ka waaweyn yihiinna lagu soo wareejiyey. Waxa noo socda oo aannu qorsheynaynaa dib-u-habayn iyo dib-u-qaabayn ku sameyno qaab-dhismeedka wasaaradda oo dhan oo intii hore aad uga baaxad weynaanaysa, waanna hawl noo socota.

Intii aan joogay hadda waxaan daraaseeyey, qaabeeyey, odoros badan ku sameeyey, maadaama wasaaraddu tahay hoggaankii qeybta siyaasadda ee difaaca dalka oo ah xubinta ugu muhiimsan ee aan aamisannahay nabadgelyada iyo xasilloonida dalku inay aasaas u tahay.

Qaab ciidan iyo qaab milatariba waynu u dhisannahay, laakiin qaabkii siyaasadda wasaaradda in aannu diirrada saarno, qorshaha waan ku darsaday. Waxa ugu horreeya oo hadda gacanta ku haynaa oo aannu dajisannay, kuna darsanay 120 maalmood ee dawladda ugu horreysa qaab-hawleedka aannu gudbinay ama qorsheynta wasaaradda.

1. In aannu eegno Xeerka Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Ciidammada Qaranka, waad la socotaan oo ciidankeennu waa ciidan ballaadhan, rag badan oo hadda inay nastaan runtii ayaa ku jira, raggaas muddadii lagaga saari lahaa ama dumarkaas jidkii ma furna. Tusaale ahaan, ciidammadeennu albaab laga soo galo waa leeyihiin, laakiin albaab laga baxo ma laha. Insha Allaah waxa qorshaha ugu horreeyaa noogu jiraa in aannu furno albaabkaas, oo u sameyno dariiq ay hawlgabka ku galaan. Markaa qaab sameyntii sharcigii hawlgabka ciidammada qaranka waa la wadaa, taasi waa hawlaha noogu horreeya Insha Allaahu ee aannu sameyno ayey ka mid tahay, waannu idiin imanayaa sharcigaasi,” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiggu.
Waxa kaloo uu sheegay inuu isku dhex qasan yahay qaab-dhismeedka shaqo ee shaqaalaha iyo hawlwadeenada jooga Wasaaradda Gaashaandhiggu, waxaannu yidhi; “Waxa iyana jirta shaqaalaha Wasaaraddu waa isku qasan yihiin oo waxooggaa kala habayn ah ama waajibaadka shaqooyinka shaqaalaha wasaaradda, iyada ruuxeeda in aannu kala jideyno, kala cayinnana qof kastaa shaqaddiisu waxay tahay. Dadku waa isku badan yahay, waa la is-dul saaran yahay, qeybtood marka aan la sheekaystay ee aan odorosay ilaa Xaaqayaasha (shaqaalaha nadiifinta) ilaa Agaasimeyaal ama Agaasime-waaxeedyo qeybtood waxa aad moodaa runtii mararka qaarkood waxa hawshoodu tahay in aanay aad u fahamsanayn. Ugu yaraan, in aannu sameyno dadka waajibaadkooda shaqo ama laga filayo inay qabtaan in aannu fahamsiino, taasna u jideyno shaqada ayey noogu jirtaa.”
“Mudanayaal, aniga digreeto ayaa la igu soo magacaabay, waxa la igu soo magacaabay, waxaan idinka codsanayaa xubnaha sharafta leh ee halkan fadhiya, sida Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland igu aaminay xilkaa uu ii magacaabay, in aad idinna kalsoonidiina ii siisaan, iguna kalsoonaatana, aniguna Insha Allaah sida ay tahay uga soo bixi doono, wax badan oo idin faraxgeliya aad iga arki doontaan,” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post