X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Gaashaandhiga Oo Beeniyay Warqad Ganacsade Axmed Cismaan Geele Loogu Gudbinayo Djibouti Oo Abuurtay Xiisad

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Twitter)

Hargeysa(ANN)-Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo todobaadkan laga bedelay wasiirkada cadaaladda Somaliland, ayaa ka hadlay warqad abuurtay doodo baddan oo lagu faafiyay baraha bulshada, taas oo sheegaysay in Ganacsade Axmed Cismaan Geele loogu gudbinayo dalka Djibouti.

Qoraal uu boggiisa Twitter-ka ku shaaciyay, wuxuu wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ku tilmaamay mid been abuur ah, wuxuuna qoraal kooban oo uu kaga hadlayo warqadaa oo magaciisa lagu saxeexay, ku yidhi,  ayaa u dhignaa sidan-:

“Waxaan bulshada reer Somaliland u cadaynayaa in aay been abuur tahay warqada ku dhax wareegaysa baraha bulshada ee sheegaysa wareejinta Axmed Cismaan Geele. Cidii warqadan beenta abuurtayna waxay cadow ku yihiin jiritaanka JSL” ayuu yidhi, Caataaye.

Warqadda uu beeniyay, ayaa xambaarsan nuxur ahaan in wasiirku bixiyey amar ah in la soo qabto ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo dawladda Djibouti dacwaynayso, waxaana ku yaalla saxeexa wasiir Cabdiqani Caateeye, taas oo ku taariikhaysan 23 March, 2019, xiligaa oo ahayd intii uu ahaa wasiirka caddaaladda laakiin, wuxuu tilmaamay in dadka been abuuray warqaddaasi yihiin cadawga Somaliland.

Halkan ka eeg warqada uu Wasiirku beeniyay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post