X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Oo Kormeeray Cisbitaalka Ciidanka


Hargeysa(ANN)-Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo uu weheliyo abaanduulaha koowaad ee ciidanka qaranka Sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud), ayaa kormeer ku tagay cisbitaalka ciidanka qaranka ee xerada Birjeex ee magaalada Hargeysa oo dhismihiisu socdo.

Wasiirka iyo saraakiisha Milateriga ee la socday, ayaa booqday bukaanada ku jira cisbitaalkaasi iyo waliba dhismaha cisbitaalka cusub ee loo dhisayo ciidanka Qaranka.


Gaashaanle Maxamed Jaamac Dube oo ah Agaasimaha cisbitaalka ciidanka Qaranka, ayaa sheegay in xaalada guud ee cisbitaalku aad u fiican tahay, waxaanu warbixin ka siiyey tirada ku sugan cisbitaalka iyo waliba xaaladooda caafimaad oo sida uu sheegay cisbitaalku uu dadaal ugu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada kala duwan ee ay u qabtaan ciidamada Jamuuriyada Somaliland.

Sidoo kale , waxa halkaasi ka hadlay Abaanduulaha koowaad ee ciidanka qaranka JSL Sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud), kaasi oo sheegay in dhismaha cusub ee cisbitaalka ciidanka qaranku uu wax weyn ka tari doono xaalada caafimaad ee ciidanka iyo waliba daryeelka loo sameeyo ciidamada qaranka waxaanu sheegay in dhismaha cisbitaalkani uu noqon doono mid daboolaha baahiyaha dhanka caafimaadka ee ciidamada waxaanu aad ugu mahad celiyey wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo uu ku tilmaamay shaqsi hawl kar ah oo daacad u ah qaranka.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga JSL Cabdiqani Maxamud Caateeye(Fariid), oo sheegay in ka wasaarad ahaan ka go’an tahay sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka iyo ka war haynta ciidanka Qaranka ee hadh iyo habeen u taagan sidii ay u difaaci lahayeen Jamuuriyada Somaliland.

Waxa kale oo uu sheegay in cisbitaalka cusub ee dhismihiisu socodo ay qayb ka tahay xoojinta iyo horumarinta uu madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland la garab taagan yahay ciidamada kala duwan ee dalka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post