X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Duulista Oo Kormeeray Madaarka Magaalada Berbera


Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in la bilaabayo shaqada dhinaca duullimaadyada diyaaradaha ee madaarka magaalo-xeebeedda Berbera, xarunta Gobolka Saaxil oo in muddo ah xidhnaa.
Wasiir Haybe oo kormeer ku tegay Madaarka Berbera, waxa uu tilmaamay in shirkadda Air Djibouti duullimaadyo toos ah ka bilaabi doonto garoonkaas 10 maalmood kadib.

“Magaalada Berbera waxay noqon doontaa Dubayda (Dubai) dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Geeska Afrika…Waxaynu dib u bilaabi doonnaa duullimaadyadii Madaarka Berbera, iyadoo shirkadda Air Djibouti duullimaadkeedii u horreeyey ka bilaabi doonto 1 November 2016.”
“Sababta kormeerka aan halkan ku immi waa in aan kormeero Madaarka Berbera, maadaama inta xilka Madaxweynuhu ii magacaabay aan tegay garoonka diyaaradaha Ceerigaabo oo qudha, waxana ku xiga Madaarka Berbera oo ah mid qaali ah. Madaarka sidaa u quruxda badan ee qiimahaas leh waajibka ina saaran waxa weeye in aan la timaaddaan hal-abuurnimo iyo curin, fikir iyo adkaysi shaqadu ku gaadho himiladii loogu talogalay.”
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in wasaaraddiisu ka shaqayn doonto sidii shirkadaha diyaaradaha loogu xidhi lahaa isticmaalka madaarka caalamiga ah ee Berbera, “Annagu waannu soo hagaynaa diyaaradaha, waxaanan isku deyaynaa inay halkan yimaaddaan; ha noqoto tan imminka duullimaadka bilaabaysa 1 November iyo qaar kaleba, waxaanan isku deyaynaa inay shaqeeyaan madaarrada dalka Somaliland oo dhan, waanan booqan doonaa kuwa kale oo uu ugu horreeyo Madaarka Boorama, kuna xigo madaarka Burco,” ayuu yidhi Farxaan Aadan Haybe.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post