X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Oo Farriimo  u Diray Macallimiinta Maddaarasista iyo Waalidiinta Carruurtoodu Quraanka Barto

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka  ugu baaqay inay fuliyaan awaamiirta badbaadinta Ubadka ay Quraanka barayaan si looga hor-taggo xannuunka  Covid19, maadaama .30-ka June oo ku beegan maalinta ee Salaasada Berri ay dalka dib uga furmayaan Maddaarista quraanku.

 

Farrimaha Wasiirka, ayaa yimi ka dib markii 23-kii June Guddida Qaran ee ka ho-rtagga Xanuunkaasi qaadeen xayiraadihii cudurkaas lagu xakamaynayey, qaarkoodna khafiifiyeen, isla markaana dib u fasaxeen goobaha waxbarashadda ee la xidhay 19-kii March 2020.

 

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo Warbaahinta Kula hadlay  Maanta Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa Waalidiinta ugu baaqay inay oggaadaan daryeelka Macallimiinta Carruurtooda Quraanka baraya oo uu sheegay in aannay badi wax mushahar iyo dhaqaale ah helin saddex bilood oo cuddurka Covid-19 awgii loo fasaxay goobaha Waxbarashadda ee Somaliland.

Wasiir Khaliil waxa uu sheegay in Farxadda iyo Aflaxaadda Ardaydu dedaalka ka sokow ay ku jirto ka Farxinta Macallimiinta, gaar ahaan kuwa Quraanka Kariimka ah, taas oo uu ku adkeeyey inay waalidku muujiyaan, isla markaana hirgelinteeda la yimaaddaan.

Mar la weydiiyey inay jiraan qorsheyaal gaar ah oo ay Dugsiyada Quraanka ee dib loo furayo kula socon karaan Wasaarad ahaan iyo Guddida ka hor-tagga COVID-19,  waxa uu sheegay Wasiir  Khaliil inuu jiro Kormeerka guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ay Dugsiyada Quraanku hoostagaan maamul ahaan oo si joogto ah ula socon doonaan habka ay u maaraynayaan awaamiirta la faray ee nadaafadda, kala fogaanshaha, badqabka ubadka iyo ilaalintoodaba, sidoo kalena ay Guddida Qaran si guud ula socon doonaan cidda fulisa iyo cidda fulin weyda qodobbada laga doonayo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post