X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Shaaciyay Xilliga La Filayo Bilashada Bisha Ramadaan

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa ka xilliga la filayo inay bilato bisha barakaysan ee Ramadaan, wuxuuna meesha ka saaray in caawa oo Khamiis ah aannay ahayn Ramadaan.

 Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil , wuxuu sidaa ka sheegay mar uu caawa caweyskii warbaahinta kula hadlay Xarunta Wasaaradda ee Hargeysa, isagoo xusay in maadaama ay wasaarad ahaan qaranka masuul uga yihiin arrimaha Diinta iyo Awqaafta ay lagama maarmaan tahay inay ku war geliyaan xilliga ay ku beegan tahay bisha barakaysan ee Ramadaan.

Sh. Khaliil, wuxuu sheegay in caawa ay ku buuxdo Bisha Shacbaan, sidaa awgeed habeen danbe la filayo in ay noqoto Ramadaan oo ka bilaabmaysa maalinta Jimcaha ee ku beegan 24, April 2020.

 Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil, ayaa ugu baaqay Culimada inay dadkooda u naxariistaan, isagoo sheegay in maadaama laga cabsiqabo xannuunka Coronavirus ee COVID-19, isla markaana laga helay dalka loo baahanyahay inay bisha barakaysan ee Ramadaan dadku guryohooda ku cibaadaystaan, si ay u badbaadinayaan nafohooda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post