X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Daakhiliga oo ka Hadlay Khilaafka Golaha Degaanka Burco ee Labada Maayar Sababay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa ka hadlay khilaaf culus oo ka dhextaagan xildhibaannada Golaha Degaanka Burco oo sababay in ay u kala jabaan laba kooxood oo midkood maayar labaad yeeshaan.
Wasiir Warancadde oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa shalay, waxa uu meesha ka saaray sharcinimada maayar cusub oo koox xildhibaanno ah doorteen Sabtidii, waxaannu sheegay in Burco leedahay hal maayar oo ah kii hore ee sharciga ahaa.
“Dawladaha hoose waxay hoos yimaaddaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, sharci baana inoo yaal, markaa sharcigaa ayuun baa loo maraa haddii shaqada la isku garanwaayo, waxa lagu ridaa ama soo jeedin kara in maayarka la beddelo aqlabiyadda (xildhibaannada), kadibna waxa loo keenaa badhasaabka oo isaguna aniga ii keena, dabadeedna sharciga ayaannu waafajinnaa, balse arrintan aannu ka maqalnay telefishannada ee ah laba maayar bay leedahay Burco. Horta bulshada reer Somaliland waxaan u caddaynayaa Burco laba maayar ma laha, waddankeenuna wuu dhaafay waqtigii dadka qaarkii waxay doonaan iska odhan jireen. Burco waxay leedahay maayar keliya, sharci baana lagu doortay, si sharci ah baanu kaga tagi karaa,” ayuu yidhi Warancadde.
Waxa kaloo sheegay in aan looga fadhiyin xildhibaannada dadku soo doorteen inay ku kacaan wax ka soo horjeeda sharciga dalka u yaal, balse looga baahan yahay inay gutaan shaqada loo doortay oo ah waxqabadka iyo horumarinta bulshada iyo degaannadooda.
“Golaha Degaanka loogama baahna inay ku kacaan waxaan sharci ahayn, waayo waa dad madax ah, waxa loo doortay mustaqbalka iyo horumarka deegaanka inay ka shaqeeyaan, is-qabqabsi aan macno lahayn oo dadkana khalkhalgaliya inay ka soo baxaan maaha.”
“Wixii khilaaf ah ee jira annagaa dawladda u qaabilsan oo dhammaynayna, waxaanan u diri doonaa Wasiir-ku-xigeenkayga, wax kalena ma jiraan ee Burco waxay leedahay maayarkii hore ee sharciga ahaa Maayar Muraad,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiirka Daakhiliga Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post