X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Caddaaladda Oo Ka Dayriyay Xaaladda Xabsiyada Dalka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Wasiirka Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Farriid), ayaa sheegay in maxaabiis tiradoodu tahay ilaa 3,000 (saddex kun) oo maxbuus ay ku xidhan yihiin 14 xabsi oo ku yaal gudaha dalka Somaliland.

Wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo khudbad ka horjeediyey fadhigii Golaha Wakiillada  oo lagu ansixiyey isaga iyo xubno kale oo Golaha Wasiirrada ah, waxa uu caddeeyey in xabsiyada Somaliland ay yihiin qaar aad u liita, sidaa darteedna uu qorshahoodu yahay sidii ay uga shaqayn lahaayeen horumarinta xabsiyada dalka.

“Waxa aannu ka shaqayn doonaa horumarinta xabsiyada dalka oo xabsiyadeenu waa kuwa ugu liita, dalkeenuna waxa uu leeyahay 14 xabsi oo dadkii way buux-dhaafiyeen, waxaanna ku xidhan ilaa 3 kun (3000) oo maxbuus, kumana filna caafimaadkooda. Xabsiyadu maaha meel ciqaabeed ee waa meel dhaqan-celineed, markaa waxa aannu doonaynaa in aannu kor u qaadno Insha Allaah,” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland.

Waxa kaloo uu Wasiirku faahfaahin ka bixiyey qodobbo kala duwan oo ay doonaan inay wasaarad ahaan wax ka qabtaan muddada uu xilka hayo, kuwaasoo ay ka mid yihiin arrimo khuseeya nidaamka caddaaladeed ee dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxyaabaha aannu doonayno in aannu wax ka qabano, kana shaqayno waxa ka mid ah;
1. Wada shaqaynta hay’addaha Bahda Caddaaladda, aniga oo hay’ad walba ku ixtiraami doona shaqadeeda gaarka u ah.
2. In aan dardargaliyo dib-u-habaynta shuruucda dalka Somaliland, taas oo wax badan dalka iyo dadkaba wax badan u tari doonta
3. Horumarinta xabsiyadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale waxaan dejin doonaa nidaam xabsiyeyn oo la jaan-qaada dastuurka iyo qawaaniinta caalamig ah.
4. Waxa aan dardargalin doonaa Waaxda Baadhista Xasuuqa, taasoo indhaha caalamka u furi doonta in ay xaqiiqsadaan caddaalad-daradii iyo xasuuqi loo geystay shacabi waynaha Jamhuuriyadda Somaliland, qayb lixaad lehna ka qaadan doonta ictiraafka-raadinta Jamahuuriyadda Somaliland
5. Tayeynta adeega kaalmada sharciga, kaas oo u ogolaan doona in qof walba oo sabool ah uu helo qareen difaaca xuquuqihiisa asaasiga ah, korna u qaadi doona u sinnaanshaha sharciga iyo caddaaladda dalka u taal.
6. Kor u qaadida Caddaaladda Haweenka iyo Carruurta, annagoo ku dedaali doona sidii ay carruurtu u heli lahayeen xarumo dhaqan-celineed oo u gaara (Minja-caseeye)
7. Wasaaradda Caddaaladdu waxa ay ka shaqayn doontaa in ay bixiso wacyigalino iyo olole ku saabsan sidii ay dadwaynuhu u ogaan lahayeen xuquuqdooda iyo waajibaadkooda si loo dhawro, loona ilaaliyo xuquuqdooda asaasiga ah iyo xoriyaadkooda dastuuriga ah,” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aannu tayeyn doonaa xarumaha nootaayooyinka ee ka jira dalka Somaliland oo aannu ku ilaalin doono inay si wanaagsan u gutaan waxyaabaha sharciga ah ee ay u xilsaaran yihiin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post