X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Caddaaladda oo Isku Beddel iyo Magacaabis Sameeyey

Araweelo News Network

Axmed Faarax Cadare Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland 27 Oct 2015

Hargeysa (ANN)Wasiirka Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Faarax Cadarre, ayaa digreeto uu soo saaray isku beddel ku sameeyey, isla markaana magacaabay xilal cusub oo wasaaraddiisa ah.
Qoraalka magacaabis iyo isku-beddel ah oo Wasiir Cadarre soo saaray, waxa uu isagoo faahfaahsan u qornaa sidan:
“Marka aan arkay baahida loo qabo in la magacaabo La-taliyeyaal dabooli kara baahida loo qabo shaqada la-taliyenimo, wadi karana hawsha Wasaaradda. Markaan arkay in isku beddel la sameeyo ay dardargelinayso hawsha shaqo ee Wasaaradda. Markaana arkay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ku mutaysteen masuuliyiintan in la magacaabo.
Marka aan la tashaday Agaasimaha Guud iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda, waxa aan go’aansaday in aan sameeyo isku beddel iyo magacaabis xilal;
1. In Maxamed Ismaaciil Ciise (Weli) uu noqdo Agaasimaha Waaxda Garsoorka
2. In Ibraahim Khadar Siciid uu noqdo Agaasimaha Waaxda Xabsiyada iyo Xuquuqda Aadamaha
3. In Cabdi Cabdillaahi Xaraare uu noqdo La-taliyaha Wasiirka
4. In Cabdiraxmaan Hirad Jaamac uu noqdo La-taliyaha Wasiirka, ahna madaxa Unugga Shuruucda.”
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post