Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Somaliland Md. Axmed Faarax Cadare, ayaa ka warbixiyay maxbuus ku dhintay Xabsiga oo warar kala duwan kasoo baxeen dhimashadiisa.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Axmed Faarax Cadare oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa ka warbixiyay dhacdadaa. sidoo kale wuxuu ka hadlay xaalada xabsiyada iyo arrimaha garsoorka.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Faarax Cadarre, ayaa sheegay in maxbuus xannuunka HIV/AIDS la noolaa uu isku dhex dilay xabsiga magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil habeennimadii Jimcaha.
Wasiir Cadarre waxa uu sheegay in ninkaas maskaxda ka bukay ee jeelka isku dhex dilay geeridiisu la mid tahay muwaaddiniinta mar walba dhinta, balse baadhis lagu wado sida sharcigu dhigayo.
“Waxa is-dilay nin maxbuus ah oo xannuunsanayey, baadhitaankiina wuu socdaa. Ilaahay baa caadila oo kama duwana dadka kale ee dhimanaya, markaa in aynu si gaar ah u nidhaahno xabsi baa lagu dhintay maaha. Maalin kasta mayd baa yaal, dhaawac baa jira, waana qayb ka mid an sunnaha nolosha, geeridana waqtigeeda Alle ka dhigay, hase yeeshee maxaabiisteenna iyo kuwa caalamkuba way dulman yihiin oo qof xorriyadda laga qaaday isagoo dambi galay wax u dhiman ma jiro, laakiin si mujtamaca loo badbaadiyo inta caafimaadka qabta ee wanaagsan qofkii dambi gala waa in sharcigu qabto, qofkii qof dila in la dilo. Laakiin, maaha wax war gaar ah laga sameeyo, waayo maalin kasta qof baa is dila, mid baa is guba, mid kala meel iska soo tuura, markaa ma odhan karno wixii Alle sababay maxay u dhaceen, balse kolleyba intii daryeel aan awood u leenahay annaga waajibaad na saaran weeye, aad baana loo hagaajiyaa,” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda.
Waxa kaloo uu tibaaxay in xabsiyada dalka dib-u-habayn ku socoto, maxaabiistana la daryeelo, waxaannu yidhi; “Jeelasha wax badan baan doonaynaa in aan ka beddelno, waanad la socotaan xabsiyo badan baa dhismahoodii socdaan. Xukuumaddan way u dedaashay. In badan oo mujtacama ah oo nala shaqaysaa way jiraan Alle ha ka abaal mariyee. Dadka qaar baa is dira oo timaha u soo xiira, qaar baa u soo nadiifiya.”
Md. Axmed Faarax Cadarre waxa uu xusay in laga caban karo caddaaladda, maadaama gartu aanay labada qof ka wada farxinayn. “Caddaaladda waa in laga cawdaa, waayo gar marka la qaado, midna waa helaa, midna waa waayaa. Inta wayday oo dhan waa cabanaysaa, markaa dabiiciyan waa sunnaha nolosha, markaa haddii la yidhaa halkaasay arrin gaar ah ka dhacay, waxa jira guddi gaar ah oo caddaaladda loo saaray oo dib u eegta oo cabashada loo gudbiyo, rafcaan baa jira, maantana waxaan aaminsanahay Ilaahay baa caadil noqon karee in Alle intii loogu talogalay caddaaladda in la ilaaliyo oo aynu ilaalinno darriiqii la inoo sameeyey in la maro, laakiin waxaad ogaataan mar walba gar la qaaday midna waa helaa midna waa waaya,” ayuu yidhi Mr. Cadarre.
Halkan Ka Daawo.
https://youtu.be/A9MapGDBPBY