X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Caafimaadka oo Caddeeyey in Abaar Ba’ani Ka Taagan Tahay Degaannada Bariga Dalka

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo-toosiye), ayaa caddeeyey in abaar ba’ani ka taagan tahay degaannada gobollada bariga Somaliland.
Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye oo ka soo laabtay magaalada Buuhoodle oo uu u joogay tacsida geerida aabbihii Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Ciise Kaar oo dhawaan geeriyooday, ayaa ka sheegay magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar in xaalad abaar xun ahi ka jirto gobollada bariga Somaliland, taasi oo uu xusay in warbixinteeda uu gaadhsiin doono Madaxweynaha Qaranka.
“Abaar xun baa dalkeenna ka jirta, abaarta waa lagu kala badanyahay ee Gobolka Saraar, Gobolka Buuhoole oo aan hadda ka imi iyo bari oo dhan Sanaag iyo Sool waa intaba abaartu meel xun bay maraysaa, waxaan soo arkay iyo wax warkooda la i soo gaadhsiiyeyba way leeyihiin, Madaxweynahana warbixinta waan gaadhsiinayaa,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu intaa raaciyey, “Ilaahayna waxaan ka baryayaa intaynaan gurmad, buuq iyo hawl galin inuu roobka inoo shubo, wax kastoo aynu samayno iyo si kastoo aynu u dhaqanno abaar innagu iskama bixin karno, Raxmaankaynu waydiisanaynaa inuu Roobka inoo shubo si aynu uga baxno abaarta.”

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post