X

Somaliland: Wasiirka Arrimaha Guddaha Iyo Guurtida Oo Wax Iska Weydiiyay Xaaladda Amniga Ee Dalka

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, 4 December 2022.

Araweelo News Network.

Hargeys(ANN)-Wasiirka Arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan wasaaradda, ayaa saaka kulan albaabada loo xidhay la yeeshay Guddida joogtada ee gollaha Guurtida.

 

Kulnkaa oo qaatay saacado, ayaa ahaa mid  saxaafadu dibedda ka joogtay , balse markii uu dhammaaday kulanku, waxa warbaahinta kula hadlay barxada hore ee dhismaha Baarlamaanka Wasiirka iyo Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee gollaha Guurtida.

Wasiir Maxamed Kaahin, oo warbaahintu wax ka weydiisay arrimaha ay guddida ka wadahadleen, ayaa sheegay in ay ahaayeen kuwo la xidhiidha arrimaha nabadgellyada, maadaama wasaaradda arrimaha guddaha shaqadeedu tahay arrimaha amniga iyo ilaalinta nabadgelyada qaranka, isla markaanu gollaha guurtidu oo shaqadiisu tahay arrimaha nabadgelyada ay wasaarad ahaan wadashaqayn gaar ah ka dhaxayso.

Hase yeeshee, Wasiirka oo la weydiiyay arrrimaha ay guddida ka wadahadleen marka laga yimaado wadashaqaynta ka dhaxaysa, ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo.

“Gollahan waxaan ka wadashaynaa arrimaha nabadgelyada, xaaladdaha nabadgelyaduna meelo baddan tafaasiil kama laha, wax baddan ayaan wax iska weydiinay, si fiican ayaanu isu fahanay, ” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin, isagoo diiday inuu ka jawaabo in ay weriyayaashu wax su’aal ah ka weydiiyaan waxyaabaha ay ka wadahadleen.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee gollaha Guurtida, ayaa sheegay in wax baddan oo ay ka waraysteen wasiirka oo la xidhiidha hawlaha nabadgelyada ee wasaaradiisu qaranka u hayso ay hordhigi doonaan warbixinteeda fadhiga gollaha guurtida.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post