X
    Categories: Warar

#Somaliland: Wasiirka Arrimaha Guddaha Oo Ka Waramay Dad Loo Qabqabtay Falkii Labada Taliye Lagu Khaarajiyay Iyo Gaadiid

Maxamed Kaahin

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay inay ciidammada ammaanku gacanta ku soo dhigeen raggii fuliyay dilkii labada sarkaal oo uu sheegay in loo hayo saddex ka mid ahaa kuwii fuliyay iyo tobban Nin oo gacansiin iyo tuhun loo qabtay oo baadhis ku socoto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin oo warbaahinta la hadlayay, isagoo ku sugan xafiiskiisa, oo ay weheliyaan Taliyaayaasha Ciidamadda Milateriga iyo Booilska, waxa kale oo uu sheegay in gacanta lagu hayo Afar gaadhi oo ay ku hawlgaleen iyo gaadhi markii hawlgalku dhacay gacan siinayay, waxaana uu sheegay in ay ย ku socto baadhistii oo sharcigaa la hor geynayo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post