X

Somaliland: Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Oo Dalka Kusoo Laabtay Kana Hadlay Xaaladdiisa Caafimaad

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE,  ayaa lagu soo  dhoweeyay maanta Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa, kadib markii uu kasoo laabtay safar caafimaad oo dalka dibadiisa ugu maqnaa muddo dhawr bilood ah.

Wasiir Maxamed Kaahin, waxa kusoo dhoweeyay Madaarka Hargeysa ee caalamiga ah (Egal International Airport), masuuliyiin wasiiro xukuumadda ka tirsan Taliyayaasha Ciidamadda Qaranka, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo dareen celiyay masuuliyiinta soo dhowaysay, wuxuu isagoo warbaahinta la hadlaya sheegay in xaaladdiisa Caafiamaad aad u wanaagsantahay, wuxuuna mahad celiyay cid walba oo qayb ka qaadatay xaaladdisia caafimaad guddo iyo dibed iyo dadkii lasoo xidhiidhayay, amma kuwii usoo ducaynayay.

Araweelo News Network

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post