X

Somaliland Wasiirka Arrimaha Guddaha Iyo Wakiilka UK Maxay Ka Wadahadleen

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xafiiskiisa kulan Albaabada lo xidhay kula yeeshay Haweenayda Dawlada Britain u qaabilsan Somaliland,Ambassador Lizzia Walker oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Xafiiska Britain ee ku leedahay Hargeysa.

Wasirika Arrimaha Gudaha Somlailand, Maxamed Kaahin oo xafiiskisia ku qaabilay haweenayda Lizzia Walkeroo ah Wakiilka Britain, 25 April 2022.

Kulankaa oo aannay saxaafdu goob joog ka ahayn, lama ogga waxa ay kaga wadahadleen Wasiirka  Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin iyo Wakiilka Britain Lizzia, balse kulanaka kaddib ayaa lagu sheegay qoraal koobban oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha in uu ahaa kulanku mid Wasiirku ugu xog-waramay Lizzia iyo saraakiisha la socday xaalada guud ee amniga Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, kulanka ayaa labada dhinac kaga wadahadleen sida lagu xusay qoraalka halka uu  marayo  gurmadkii Suuqa Waaheen ee shufbeelay 1 April oo loo saaray guddi dhaqaalaha loogu yaboohay.

Kulanka waxaa Wasiirka kala qayb galay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Agaasimaha Guud ee dhinaca Amniga Wasaaradda Arimaha Guddaha Ibraahim Cali Ismaaciil iyo saraakiil kale, sida uu xusay Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland.

Lama ogga in Wasiirka iyo Taliyaha ay ka wadahadleen arrimo kale, iyadoo kulanku kusoo beegmay kaddib markii Todddobaadkii hore Wed, Apr 20 2020, ay Somaliland booqasho ku timi Ambassador Kate Foster oo ah Safiirka Soomaaliya, taas oo wefdi ay hoggaaminaysay kulan la yeelatay Madaxweyneha Somaliland Musue Biixi Cabdi iyo masuuliyiin kale.

Lizzia , Boqoashadeeda ayaa kasoo beegnatay xilli ay xukuumadda Somaliland xabsiga dhigtay 13 April koox weriyayaal ah, kuwaas oo maalmo kaddib lasoo daatay 12 ka mid ah, halka saddexda kale ay weli ku jiraan xabsiga, isla markaana xukuumaaddu kiiskooda u gudbisay Maxkamadda, wallow aan si rasmi ah looga furin kiiska lagu haysto saddexda Weriye Maxkamadda oo muddadii hore loogu qabtay maalmihii ina dhaafay dib looga riixay,, isla markaana ay weli ku xidhan yihiin xarunta Baadhista Denbiyada CID (

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  ay  maalintii Axaddii sheegay in loo qabtay qareeno u doodda oo ka difaacaya dacwadda lagu soo ooggayo saddexda suxufi, balse weli lama horgeyn garsoorka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post