X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Kulan La Yeeshay Saraakiil Ka Socday Dalka Qadar

Araweelo News Network

Hargaysa(ANN) Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa kulan kula yeeshay xXafiiskiisa Saraakiil ka socday Dalka Qadar oo Madax ka ah Hay’adda loo soo gaabiyo ARC oo fadhigeedu yahay Dooxa.

Saraakiisha ka socday ARC, waxay muddo ka shaqaynayeen gudaha Somaliland, iyadoo Hay’adda ay madaxda ka yihiin inta badan caawisa Agoomaha iyo dadka danyarta ah ee reer Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kulankaa kadib kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha , waxay ARC dalka ka hir galisay Riiga Biyaha ee Dhalinta Magaalada Hargaysa.
sidoo kale waxay door ka qaadatay Qaybintii Raashinkii Abaaraha ee xeebaha Somaliland iyo Xarunta Agoomaha ee Kuwaitiga oo ay kaalin laxaadleh ay ka qaadatay.

Waxayna Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Madaxda hay’addu ka wada hadleen sidii loo sii xoogin lahaa deeqaha iyo taageerida dadka jilicsan .

Wasiir Warancadde ayaa ku hanbalyeeyay wax qabadka balaadhan ee dalka ka qabteen hay’adda ARC isaga oo sheegay in looga baahan yahay inay intaa kasii laban laabaan isla markaana ay gaadhsiiyaan gobolada kale ee dalka caawimadooda.

Masuul u hadlay dhinaca ARC ayaa dhankooda wasiirka ka dalbadan inuu kala shaqeeyo dhinaca amniga isaga oo tilmaamay in amaanka Somaliland yahay mid lagu faano .

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post