X

Somaliland: Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed #Kaahin Oo  Guddoomiyaha #UCID Ku Eedeeyay Inuu Ku Baaqay Mudaharaad

Araweelo News Network.

 

 

“Hadaad meel kale u socoto si yar oo nabadgelyo ah nagaga sii anbabax” Maxamed Kaahin.

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhaliilo kulul iyo eedaymo u jeediyay guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo sida uu sheegay ku baaqay in dadweynaha Magaalooyinka dalka maalinta beri ee loo muddeeyay doorashada shirguddoonka isu soo baxaan, isla markaana shaqooyinka ay hayaan faraha ka qaadaan.

Wasiir Maxamed Kaahin, wuxuu ku eedeedayay guddoomiyaha UCID inuu u yeedhayo bellaayo aan jirin, isagoo labada guddoomiye xisbi ee mucaaradka ku tilmaamay kuwo doonaya in ay xaalad amnidaro dalka ka abuuraan, iyagoo sheegaya waxyaabo aan jirin iyo Baaralaankii ayaa ka qabsaday.

“Guddoomiyaha UCID, Faysal Cali waraabe waxaan dhegeystay isagoo ku baaqaya muddahaaradyo iyo in ay dadku isu soo baxaan, ma garanayo bellaayada iyo qaska uu keligii arkay ee beri dhacaysa, xagguuse ka gelaaya bellaayada dhacaysa mise meel kale ayuu u socdaa, waxa leeyahay nin meel kale u socdaa masiibo saadaaliyee, hadaad meel kale u socoto si yar oo nabadgelyo ah nagaga sii anbabax.” Ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo gaalbta warbaahinta kula hadlay dhismaha wasaaradda ee Magaalada Hargeysa.

“Guddoomiyaha UCID, wuxuu leeyahay dadweynaha Somaliland isugu soo baxa shaaracyada oo shaqooyinka joojiya, waana arrin mudaharaad ah uu iclaaminayo inkasta oo aannu awooddaa lahayn oo aannu nahftii hafar noqon, taas macneheedu waa in nabadgelyada dalku khal khal gasho marka dadka magaalooyinka loogu baaqo isu soo bax oo miyaanay ahayn dadka oo la gedoodiyay, iyadoo badhba ay cid taageersan yihiin, markay isugu soo baxaan bannaanka khal khal wuu ka dhacayaa.” Ayuu yidhi, Maxamed Kaahin.

Dhinaca kale, wuxuu ugu baaqay dadweynaha in aannay jirin sabab ay isugu soo baxaan, isagoo yidhi, “Ma jirto sabab nabadgelyadeena loo burburiyo, mana jirto sabab aynu caalamka ugu muujino in Somaliland khal khal nabadgelyo iyo khal khal nidaam dawli ah uu ka jiro.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin, wuxuu ku dhaliilay guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe inuu dhawr jeer u tartamay Madaxweynenimo oo aannu meelna soo gaadhin, isagoo sheegay in aannay taas macneheedu ahayn in guddoomiye Faysal uu burburiyo ummmadda.

“Waxaan leenahay dadka la abaabulayo haddii ninba nin u jawaabo oo gacan ka hadal ku xigo, kaddibna ay timaado kalsoonidaro ummadeed nina laba ku lulaanmaayo.” Ayuu yidhi, wuxuuna sheegay in dawladda Somaliland ku abtirsato, oo ku adagtay, isla markaana ku kalsoontahay oo ku socoto dariiqa adkaynta nabadgelyada iyo xasiloonida qaranka Somaliland oo ay ku hoggaamiso nidaam deganaasho iyo ummad is jacayl ah.

Ciidanka nabadgelyada iyo xeer ilaalinta qaranka iyo Maxkamaddaha waxan ku wargelinaynaa in ay tahay tallaabo sharcidaro. Habka mudaharaad loo sameeyaa waxay ku taal distoorka qaranka, markaa guddoomiyaha UCID, haddii uu doonayo in xisbigiisu mudahaarado xeerka iyo distoorka ayaa jidaynaya, waxaanuna ha’yaddaha amniga iyo garsoorka u sheegaynaa in ay tahay tallaabo ku xadgudub nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.” Ayuu yidhi. Maxamed Kaahin Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post