X

Somaliland: Wasiirka Arrimaha Dibedda Oo Ka Hadlay Safarka Uu Ku Joogo Washington

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Ciise Kayd iyo Marwo Adna Adan Ismail oo ku sugan Washington, Image Araweelo News Network, 22 November 2021.

Araweelo News Network.

Washington(ANN)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Ciise Kayd oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka,isagoo ay weheliso Marwo Adna Adan Ismail, ayaa ka waramay waxyaabihii uu kala kulamay safarkiisa.

Dr. Ciise Kayd oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka gaar ahaan Washington DC, ayaa ka warmay masuuliyiinta ay la kulmeen iyo waxyaabaha ay kala hadleen muddadii uu ku jiray hawlaha safarkiisa.

Sidoo kale, Marwo Adna Adan, oo safarka ku wehelisa wasiirka Arrimaha Dibedda, ayaa dhankeeda uga xog-wantay jaaliyadda Somaliland ee Washington DC, ujeedada safarkooda iyo waxyaabihii ay kala kulmeen.

 Dr. Ciise Kayd iyo Marwo Adan oo weli ku sugan Washington, ayaa la filayaa in ay ka qaybgalaan shir lagaga hadlayo arrimaha dimuqraadiyadda, balse la saadaalinayo in lagag hadlo loollanka awooddaha dhaqaale, Millateri iyo Istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Dr. Ciise Kayd Iyo Marwo Adna.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post