X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasaaradda Waxbarashada Oo Xafiis Cusub Oo Tayaynta Tacliinta Ah U Magcawday Aqoonyahan Da’ yar

Araweelo News Network

Mohamed Sleebaan Omar

 

Hargeysa(ANN)– Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane ayaa abuuray xafiis gaar ah oo u taagan tayaynta waxbarashada qaranka, iyada oo Agaasinka xafiiskanna loo magacaabay Maxamed Saleebaan Cumar oo ka mid ah aqoonyahannada da’da yar ee dalka.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ujeeddadiisu tahay “Magacaabis Xil” oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL, Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane, waxaana lagu xusay in baahida ugu weyn ee Waxbarashada Qaranku tahay tayaynta heerarka kala duwan ee tacliinta, si loo soo saaro jiil ku hubaysan aqoon tayaysan oo dalka iyo dadkaba wax badan ka beddali kara.

War-saxaafadeedka Magacaabista oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Kadib markii aan arkay ardayda tirada badan ee ay u suurtogali weyday in ay gudbaan Imtixaannada Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2016/17, waxaan u kuurgalay, isla markaasna xogaystay hawlwadeennada Waxbarashada, Madaxda Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka iyo waayo’aragga iyo masuuliyiinta sarsare ee Wasaaradda Waxbarashada & T. Sare, waxaanay sababaha ugu waaweyn ee guul-la’aanta ardayda u horseeday noqdeen dedaal-la’aan dhinaca ardayda ah iyo isku-halayn qalabka Tiknoolojiyadda ah.

Haddaba, waxa ii muuqatay baahida xooggan ee loo qabo in la abuuro xafiis u taagan kaabista iyo tayaynta tacliinta ardayda JSL.

Sidaa darteed, markii aan ku qancay aqoonta, waayo’aragnimada, iyo kartida shaqo ee aad u leedahay hawshan; waxaan go’aansaday: In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay September 23, 2017 kuu magacaabo Madaxa Barnaamijka “Kaabista iyo Dib-u-tayaynta Waxbarashada”.

Waxaan rejaynayaa inaad xilkaa u gudan doonto si daacadnimo iyo hufnaan leh. Waxaan madaxda kale ee Wasaaradda Waxbarashada & T. Sare ku boorrinayaa inay gacan ku siiyaan hawlihiisa shaqo, oo yeelanaya qorsheyaal.”

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku hawlanayd kobcinta iyo tayaynta tacliinta iyo ardayda, iyada oo ay noqonayso markii ugu horraysay ee Xafiis caynkan oo kale ah loo abuuro taabbagalinta tayada heerarka kala duwan ee Waxbarashada Qaranka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post