X

Somaliland: Wasaaradda Waxbarashada Oo Sheegtay In La Fulinayo Go’aanka Dirayska Dugsiyada Ay Ku Bedeshay Ee Bulshadu Ka Dareen Celisay

Noocyada Dirayska ee Dugsiyada Somaliland, Image file Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

 

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa shaacisay in sannad-dugsiyeedka soo socda ee 2021/2022,  lagu fulin doono go’aan ay todobaadkii hore ka soo saartay qaabka ay noqonayaan dirayska lagu dhigto dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyadoo digreeto ay ku macnaysay” Midaynta Dirayska Dugsiyada Waxbarashada ee dalka.soo saartay.

Go’aanka Wasaaradda, ayaa lagu xaqiijiyay in uu saamaynayo Dugsiyada Barbaarinta (KG), Dugsiyada Hoose, Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sare, iyadoo markii hore ay isku mid ahaan jireen diraysyada Dugsiyada Hoose iyo Dhexe.

 

Hase yeeshee markii ay dood iyo su’aalo si weyn Bulshadu isaga weydiisay maalmihii u danbeeyay ee ay kasoo noqdeen jawaabo ka imanayay Bulshada, waxay mar kale, Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland soo saartay maanta War-saxaafadeed ay ku sheegay inay tahay waajib qaran oo lagu fulinayo Midaynta Dirayska Dugsiyada Waxbarashada Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, haseyeeshee waxa ay wasaaraddu sheegtay inay tixgelin gaar ah siinayso waalidiinta aan awood-dhaqaale u lahayn inay dirayska ka beddelaan Ubadkooda iyo ganacsatada iibisa maryaha laga farsameeyo diraysyadii hore.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Waxbarashada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Somalilandpost, ayaa u qornaa sidan:- “Ujeeddo: Midaynta Dirayska dugsiyada Waxbarashadu waa waajib qaran oo la fulinayo.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku, iyadoo fulinaysa siyaasada iyo qorshayaasha horumarinta waxbarashada waxa aad ka warqabataan inay ku hawlanayd siddii loo fulinlahaa midaynta dirayska.

Hadaba waxaa mar labaad la xasuusinayaa ardayda, waalidiinta iyo hawl wadeenada Waxbarashada in sanad dugsiyeedka 2021/2022, Ardaydu soo xidhan doonaan dirayska cusub waxaa kale oo la tix galin doona ardayda xidhan dirayskoodii hore, iyadoo loo eegayo duruufaha kala duwan ee soo socda.

1: Waalidiinta duruuf awgeed aan ardayda sanadkasta u iibin Karin dirays cusub si ay ugu sii diyaariyaan dirayska cusub wakhtiga ugu horeeya ee ay awooddaan.

2: Ganacsatada haya midabada dirayskii hore si aan khasaare uga soo gaadhin.

3:  Tolmaha oo dib uga dhaca wakhtiga furitaanka Dugsiyada, maryaha midabada qaarkood oo kala go’a.

Waxaa Ardayda iyo waalidiintaba lagu wargalinayaa in dirayska cusubi yahay ka rasmiga ee wax lagu dhigan doono qofka ay la kulanto duruufahaa aynu sarre ku xusnay waa inuu sida ugu dhakhsaha badan uga diyaar garoobaa.

Waxaa maamulayaasha goobaha waxbarasahadda la farayaa in talaabo ku haboon laga qaadi doono dugsigii ay ku cadaato, isagoo Ardayda ku qasbaya dirayskii hore ee laga guuray si togan iyo si tabanba.

Waxaa Ardayda, waalidiinta iyo masuuliyiinta goobaha waxbarashada lagu war-galinayaa in dharka ay ardeydu xidhanayaan yahay mid waafaqsan shareecada islaamka iyo dhaqankeena wanaagsan,  isla markaana yahay mid guud ahaan asturaya hablaha midabaduna waafaqsanyihiin kuwa dirayska, sidoo kale waxaa lagu wargelinayaa in aanay jirin meel lagu bedelay dirayskii iyo midabkii Hablaha Dugsiyada sarre oo ka rasmiga ah uu yahay kii ay wasaaraddu hore usoo saartay.” Ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

 

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post