X

Somaliland: Wasaaradda Waxbarashada Oo Shaacisay Bilawga 32 Dugsi Oo Dalka Laga Hirgelinayo

Araweelo News Network.

#Somaliland: Wasaaradda Waxbarashada Oo Shaacisay Bilawga 32 Dugsi Oo Dalka Laga Hirgelinayo

Hargeysa(ANN)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa daahfuray dugsiyo uu sheegay in ay wasaarad ahaan dalka ka hirgelinayan dhismayaashooda, kuwaas oo sida uu sheegay noqonaya kow iyo sodon dugsi oo laga maalgelinayo  miisaaniyada dawladda.

wasiirka oo ay wehelinayey agaasimaha guud, agaasimaha waaxda maamulka iyo agaasimaha waaxda hantida ee wasaaraddaasi, ayaa sheegay in kow iyo sodonka dugsi laga hirgelin doono guud ahaan gobollada dalka, isla markaana ay qayb ka yihiin fidinta iyo ballaadhinta waxbarashada si loo daboolo baahiyaha dhanka waxbarashada ee dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland  Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa sheegay in ilaa todoba boqol oo deegaan oo dalka ahi ayna lahayn dugsiyadii waxbarashada, wuxuuna daboolka ka qaaday in ay u qorsheysan tahay wasaaradda waxbarashada in sannadka dambe ay hirgeliso laba boqol oo dusi waxbarasho, si kor loogu qaado waxbarashada,

Axmed Toorno, ayaa  u mahadnaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda, xisaabaadka qaranka, Baanka dhexe iyo cidkasta oo gacan ka geysatay hirgelinta dugsiyadaa la dhagax-dhigay.

Sidoo kale, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Axmed Abokor Maxamed, agaasimaha waaxda maamulka Maxamed Saleebaan iyo agaasimaha waaxda hantida Yuusuf Xuseen, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxaya dugsiyadaas laga maalgelin doono miisaaniyada wasaaradda, taas oo ah cashuurtii muwaadiniyiintu bixiyeen dibna loogu celinayo si ay u helaan adeegyada ay uga baahn yihiin dawladda ee ay waxbarashadu ka mid tahay, waxayna u soo jeediyeen bulshada ku dhaqan deegaanada laga hirgelinayo dugsiyadaasi in ay ka faa’iideystaan oo ay keenaan ubadka u baahan waxbarashada.

Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska, Maxamed Saleebaan Cumar Bidix iyo Agaasimaha  waaxda hantida Yuusuf Xuseen Image Araweelo News Network 25 Jan 2021.

Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska, Maxamed Saleebaan Cumar oo hadal ka jeediyay munaasibada lagu sheeciyay dugsiyada ay wasaaraddu dhisay, ayaa sheegay in aannay bulshada Somaliland u baran dugsiyo laga dhisp miisaaniyada  xukuumadda, iyadoo inta badan sida qaalibka ah ay Hay’addo dhisi jireen, balse ay xukuumaddu ka caawin jirtay dib u dhiska iyo dayactirka. sidaa awgeed wuxuu sheegay in ay tani tusaale fiican u noqonay Somaliland, isagoo ku amaanay Madaxweynaha Somaliland oo sida uu sheegay u heelan horumarinta waxbarashada oo ay wasaarad ahaana uga mahad celinayaan dedaalkaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post