X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasaaradda Waxbarashada Oo Madaxweynaha Hortiisa Kaga Dhawaaqay Shaqaalaysiinta 954 Macalin Oo Shaqaale Ah

  Hargeysa(ANN)-Hormoodka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay’adda Shaqaalaha dawladda, ayaa kulan ballaadhan oo ay la yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  waxa ay kaga dhawaaqeen shaqaalaysiinta ugu yaraan 954 (sagaal boqol iyo afar iyo konton) macallin oo muddo dheer mushahar la’aan ugu shaqaynayey umaddooda.   Macallimiinta la shaqaalaysiiyey oo ka hawlgasha 1,081-ka Dugsi ee ay dawladdu leedahay ee ku yaalla guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la hawlgeliyey kaddib Kormeer ay sameeyeen 15-kooxood oo ka kala socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, waxana ay macallimiintaasi si rasmi ah uga mid noqon doonaan shaqaalaha rasmiga ah ee qaranka, kuwaas oo heli doona mushahar joogto ah.   Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle oo kulanka ay la qaateen madaxweynaha kaddib warbaahinta la hadlay, ayaa u bushaareeyey dhammaanba macallimiintii mushahar la’aanta muddada kala duwan ugu soo shaqaysay qarankooda, kuwaas shaqaale rasmi ah noqday, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Saaka waa u bushaaro iyo barkhad guud ahaanba macallimiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee ku kala sugnaa guud ahaan dugsiyada dalka in ku dhawaad kun qof, saaka kulankii madaxweynaha  kaddib  wasaaradda waxbarashada iyo Hay’addaa shaqaaluhu ay shaqaalaysiinayaan.”   Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda, ahna sii hayaha xilka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane, Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faro-toon) oo isaguna halkaas ka  hadlay, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay in hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ay waqti badan geliyeen hubinta iyo kala hufidda macallimiinta, natiijadiina noqotay shaqaalaysiinta macallimiinta muddada tabarruca kusoo shaqaynaysay, waxana uu yidhi, “Saaka madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka qaranku waxa ay shir weyn oo ujeeddadiisu tahay shaacinta natiijadii kasoo baxday kormeer ballaadhan oo  wasaaradda waxbarashada iyo hay’adda shaqaaluhu wada qaadeen oo ku saabsan sidii loo sugi lahaa arrimo badan oo la xidhiidha waxbarashada,  gaar ahaan macallimiinta iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada, kuwaas oo duruufo kala duwan ku jira oo lasoo tiro koobay, waxana halkan loo joogaa in lagu dhawaaqo in Kun ku dhawi inay maanta noqoto  shaqaale rasmi ah.”   Wa-bilaahi tawfiiq

        Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post