X
    Categories: Warar

Somaliland: Doorka Saxaafaddu ku Yeelan Karto Dhaqangelinta iyo Faafinta Shuruucda Khuseeya Arrimaha Bulshada

Hargeysa(ANN)- Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qabatay kulan aqoon-isweydaarsi ah oo khuseeya sidii la iskaga kaashan lahaa faafinta iyo u-doodista dhaqangelinta shuruucda iyo siyaasadaha ka soo baxa Wasaaradooda (Media Engagement and Advocacy for policies and legal framework).

Kulanka ay ka qaybgaleen Suxufiyiin ka socday Warbaahinta kala duwan ee Somaliland, Garyaqaanno Madax-bannaan iyo Saraakiil ka socday Wasaaradda

Kulankaa oo ay ka qaybgaleen Suxufiyiin ka socday Warbaahinta kala duwan ee Somaliland, Garyaqaanno Madax-bannaan iyo Saraakiil ka socday Wasaaradda, waxaana kulankaa oo socday doona muddo laba maalmood ah lagaga dooday sidii laysu waafajin lahaa Siyaasaddaha Wasaaradda ee ku waajahan hawlaha iyo adeegyada ay qaranka u hayso iyo shuruucda iyo xeerarka looga baahanyahay inay dabakhdo.

Tabobarkanoo ka furmay hudheelka Guuleed ee Caasimadda Hargeysa shalay, waxa fududeeyeyqabashadiisa Ururka Waddaniga ah ee Marwo Development Action, hirgelintiisanawaxa lahayd Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, iyadoo aymaalgelintiisana leedahay Hay’adda Oxfam, waxaana  ka qaybgalay suxufiyiin ka socday Hay’addaha warbaahinta, sharciyaqaanno madaxbannaan iyo saraakiil ka tirsan qaarka mid ah Wasaaradaha xukuumadda Somaliland.

All Posts

Suxifi Barkhad Kaariye oo Bixinaya Tababarka Kulanka ay ka qaybgaleen Suxufiyiin ka socday Warbaahinta kala duwan ee Somaliland, Garyaqaanno Madax-bannaan iyo Saraakiil ka socday Wasaaradda. 15 Dec, 2018.

AgaasimahaGuud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Md. MaxamedCilmi Aadan (Ilko-case), ayaa oo tababarka furay, ayaa sheegay in ujeedadu tahay sidii saxaafadda iyo sharciyaqaannadu ugala shaqayn lahaayeen faafinta siyaasadaha iyo shuruucda ka soo baxa Wasaaraddooda, isla markaana loogaadhsiin lahaa cidda ay khuseeyaan.

Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Qoyska iyo Arrimaha Bulshadda iyo Suxufi Carraale Maxamuud Jaamac

“Waxa isbeddelaya, guurkii ayaa isbeddelaya, hab-dhaqankii bulshada ayaa isbeddelaya,maalgashigii ayaa isbeddelaya, xidhiidhkeennii dunida oo dhan ayaa isbeddelaya,haddaba haddii aanay aqoonteennu la jaan-qaadin isbeddelladaas iyo sida fariimaha loo gudbinayo gudaha iyo dibaddaba, halkaasi waxay innagu noqonaysaa arrin innagu soo fool leh, markaa waxa aynu imminka u baanaanaynaa in aynu qaabkaas oo dhan isla fahansannaano, iyadoo shay kasta oo la qabanayo uuleeyahay saamayn togan iyo saamayn taban (positive and negative), haddanasaamaynta aad bulshada ku leedihiin eel agama maarmaanka ah ayaa waxay tahay inaad nagala qaybqaadataan in aynu fariin wanaagsan gaadhsiino bulshadeenna,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Waxa kaloo uu sheegay in saxaafadda looga baahan yahay inay door muhiim ah ka qaataan faafinta mawduucyada la xidhiidha arrimaha bulshada, balse aan shaqada saxaafadda lagu koobin oo qudha arrimaha khuseeya siyaasadda.

Agaasimaha Waaxda Lammaanaha ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska marwo Luul Aadan Geeddi oo halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in Wasaaradoodu ku hawlan tahay horumarinta iyo dhaqangelinta shuruucda iyo siyaasadaha khuseeya nolosha bulshada reer Somaliland, una baahan yihiin in saxaafadda iyo sharciyaqaannadu door weyn kala qaataan sidii fariintoodu u gaadhi lahayd dadka maatida ah.

“Waxaaynu isugu nimmid sidii bahda saxaafaddu ay ugu doodi lahaayeen siyaasadaha aydowladdu soo saarto iyo sidii hirgelin loogu samayn lahaa. Siyaasad iyo sharcila soo saaro haddii aanay saxaafaddu ka qaybqaadan oo aanay doorkeeda ka qaadanwaxa ay noqonaysaa in aanay hirgelin, markaa  way fara badanyihiin oo Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshadu waxay soo saartay siyaasado (policies) aad u badan, laakiin dhammaantoodba siyaasadaha iyoshuruucdaasi waxay u baahan yihiin in la dabbaqo oo la tixgeliyo oo qarankeenalagu maamulo, haddii ay noqon lahayd siyaasadda gudniinka, qabyo-qoraalkaxeerka Gudniinka oo isaguna imminka socda,” ayey tidhi marwo Luul Aadan Geeddi.

 Waxa kaloo halkaas ka hadlay suxufi Caraale Maxamuud Jaamac oo ku hadlay afka kaqaybgalayaasha kulanka aqoon-isweydaarsiga ah, waxaannu yidhi; “Waxa fiican inaanay shuruucda iyo siyaasadaha la soo saaro aanay noqon qaar meel iska yaal ooaan laga shaqaysiin, waxase la ogyahay inay wax walba ka horayso dejinta siyaasaddu oo haddii aanay Wasaaraddu samayn siyaasad iyo istaraatiijiyad cad wax kale oo tallaabo ah lama qaadi karo, laakiin marka siyaasadaha la helo ayaa sharciga iyo xeerarkiina la samayn karaa, iyadoo sharcigana loo baahan yahay inla mariyo waddooyinka iyo hannaankii uu marayey sharciga la soo saarayo.”

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa saxaafadda ku waajib ah inay ogaat wixii shuruuc ah ee jira. Sharcigaasi ma dhaqangalay? Halkee ayuu kudambeeyey? Waana inay dabo-gal ku sameeyaan shuruucda iyo xeerarka jira, wixii dhaqangal ah iyo kuwa aan lagu dhaqminba, kadibna la soo bandhigo haddii ayWasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladdu ka gaabiyaan dhaqangelinta xeerarkakhuseeya shaqooyinka ay qaranka u hayaan.”

Furitaankii tababarkan oo uu hagayey suxufi Barkhad Maxamuud Kaariye oo ah Macallin wax ka dhiga Jaamacadda Hargeysa, isla markaana ka socday Ururka Waddaniga ah ee Marwo Development Action, waxa lagu soo bandhigay siyaasadaha iyo shuruucda jira ee khuseeya waajibaadka shaqo ee WasaaraddaShaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland, iyadoo kulanka labaadee maanta ahna lagu faaqidayo doorka ay saxaafaddu ka qaadan karto hirgelinta,dhaqangelinta iyo u doodista meelmarinta siyaasadaha iyo shuruucdaas khuseeyaarrimaha bulshada reer Somaliland.

Faah-faahinta kualnkaa Halkan ka Daawo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post