X

Somaliland: Wasaaradda Oo Soo Bandhigtay Mashaariic Tayaynta Waxbarashada Ah Maalmo Kadib Markii Maamulka Gobolka Maroodijeex Shaaciyay Dhaliilo

wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) 11 April 2021, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 “Madaxweynaha waxaan ugu Baaqaynaa inuu Hubiyo Xaaladda Caafimaad ee Dadka uu xilalka u magcaabyo” Maamulka Gobolka Maroojeex ee wasaaradda Waxbarashada iyo Shaqaalaha.

 

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, ayaa maanta soo bandhigtay mashaariic ay sheegtay in ay ku kordhisay dhanka waxbarashada dalka, waxaana munaasibada loo qabtay Barnaamijka cusub iyo dhismayaal ka badan 100 dugsi waxbarasho xadhiga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, masuuliyiinta wasaaradda iyo madax kale.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda, oo hadalo ka jeediyay munaasibada lagu Daah-furay Barnaamijka AQOONJIRE, iyo dhismayaasha Madaxweynuhu xadhiga ka jaray, ayaa shaxaad ka bixiyay Barnaamijka duruusta manhajka oo sida ay sheegeen in isagoo duuban lagu shubayo Tablets cadceedda ku shaqeeya.

Qorshaha barnaamijkaa ayay sheegene inuu yahay mid waxbarashada lagu gaadhsiinayo Ardayda miyiga. Sidoo kale, waxay masuuliyiinta wasaaraddu sharaxeen  barnaamijka muuqbaahiyaha waxbarashada (Somaliland Education Channel) oo ay si joogto ah uga baxayso waxbarashada dugsiyada dalku, kaas oo qayb ka ah waxyaabaha Madaxweynuhu daaf-furay.

“Maanta waxaynu daah-furaynaa laba barnaamij oo waaweyn oo saddexdii himilo ee aynu higsanayay eek ala ahaa Tayaynta, Fidinta iyo maamul wanaaga laba ka mid ah wax ku biirinaya, kuwaas oo ah Tayaynta iyo Fidinta.” Ayuu yidhi, Wasiir Toorno.

Waxa kale oo wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) sheegay in 106-da dugsi ay dhiseen Wasaaradda, Hay’addaha iyo Bulshada Somaliland, balse waxa uu sheegay in aannay ku jirin tiradaa dugsiyada sida gaarka ah loogu sameeyay dayactirka iyo qalabaynta.

“Dugsiyada  dhammaantood waxa la gelayaa sannadka danbe, waxaase ku jira kuwo la dhigto iyo kuwo aan weli dhammaan oo ilaa lix ka mid ah tiradaa, waxaase la gelayaa sannad dugsiyeedka danbe.” Ayuu wasiir Toorno, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay barnaamjika ‘Aqoon –jire”, kaas oo ay wasiirku sheegay inuu wax weyn ka tarayo waxbarashada, isagoo xusay in fekerkaa laga keenay markii ay xannuunka Coronavirus la tacaalaysay Somaliland ee la duubay casharadii, isla markaana la hindisay in ardaydu helaan Tablets cadceedda ku shaqeeya si loogu shubo casharadii.

Wasiir Toorno, ayaa sheegay in Tablets cadceedda ku shaqeeya loogu talagalay ardaydu iyagoo la jooga geela ama xoollaha oo miyiga jooga ay kala socon karaan casharadii waxbarashada, iyadoo uu jirayo macalin wareegaya oo ardayda filiqsan ka caawinaya casharada, balse Wasiir Toorno iyo masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadu ma sheegin cida ka caawisay mashruuca iyo qiimaha uu ku kacayo, sidoo kale ma xusin tirada Tablets cadceedda ku shaqeeya ee ay sheegeen in ay ardaydu ka faa’idaysanay iyo tirada Tablets-ka .

Dhinaca kale, waxay daah-furka mashaariicda ay shaacisay wasaaraddu ee lagu tilmaamay tayaynta , fidinta iyo maamul wanaaga kusoo beegmeen, iyadoo maalmo kadib ay Guddoomiyaha Waxbarashada

 

Dhinaca  kale, waxa toddobaadkii  lasoo dhaafay Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Maroodijeex Cabdikariin Xasan Muxumed iyo qaar ka mid ah shaqaalaha oo warbaahinta la hadlay si weyn u dhaliileen Wasiirka wasaaradda, iyagoo ku eeddeeyay maamul xumo, waxayna ugu baaqeen Madaxweyne  Biixi inuu ka fiirsado dadka uu xilalka u magcaabayo, isla markaana hubiyo in ay yihiin kuwo xaaladdooda caafimaad sugantahay,  wallaw markaa kadib masuulkaa laga joojiyay shaqada.

Maamulka Gobolka Mariidijeex ee waxbarashada iyo shaqaalaha oo ka hadlaya arrimahaa halkan ka Daawo.

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post