X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasaaradda Maaliyadda Oo Keentay Qalab Lagu Ururinayo Cashuuraha Ah Oo La Dhigayo Meheradaha Ganacsiga

Araweelo News Network

 

Qalabka wasaaradda Maaliyaddu keentay ee cashuurta lagu ururinayo

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi, ayaa sheegtay in dawladdu xoogga saarayso ururinta cashuuraha bariga, gaar ahaan cashuuraha iibka badeecadaha, adeegyada iyo cuntooyinka ee meheradaha kala duwan ee ganacsiga, iyadoo xustay in shay kasta oo la iibsado cashuur saaran tahay.

 

Marwo Samsam Cabdi Aadan oo saxaafadda kula hadashay xarunta Cashuuraha Berriga ee caasimadda Hargeysa , waxa ay soo bandhigay qalab mishiinno ah oo loogu talogalay in la dhigo meheradaha ganacsigda, sida hudheelada, kaalmaha shidaalka dukaamada waaweyn iyo goobaha adeegyada lagu iibiyo.

 

“Waxa la kobciyaa Cashuuraha Berriga oo Cashuuraha Berrigu isku halayn ayey leeyihiin, laakiin Dekeddu Ilaahay innaguma keenee haddii ay dabaylo kacaan, haddii dekedda markab jiidho waa wax istaagaya oo cashuurtiina ay kaa go’ayso, markaa si aannu uga taxadirno, adduunkana aanu ula jaanqaadno oo xeerarkaasi Baarlamaankuna (Golaha Wakiilladu) ansixiyeen, Madaxweynuhuna saxeexay ayaa waxaannu samaynay VAT (Value Added Tax) ama GST qoloba sida ay u taqaano, waxa weeyi qiimihii shayga ayay cashuur yari saaran tahay, markaa waxa la geynayaa meel kasta oo ummaddu ay wax ka iibsato haddii ay tahay meelaha cuntada laga cuno, hudheelada sida ay u kala waaweyn yihiin iyo sida ay u kala yaryar yihiin ayay xukuumaddu ula dhaqmaysaa.

 

Hudheelada waaweyn ee ay iyaga kombuyuutarada wax ugu jiraan (xisaabtoodu ku jirto kombuyuutar) mishiinadaas ayaa la geynayaa si aanu macluumaadkoodu (data) uga lumin oo isaguna u shaqaynaya,” ayey tidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Waxayna intaas ku dartay; “Hudheelada caadiga ah iyo Supper-Market-yadana oo goynaya shayga qiimihiisa oo ah boqolkiiba $5 doollar ay u go’ayso dawladda, marka ay soo taxaan waxa aad ku arki doontaa lacagta cashuurta ee dawladda ee VAT ama GST. Markaa qolada cashuur ilaaliyeyaasha ee ciidanka ee Turbataariyadu waxay halkan u fadhiyaan in marka qofkii wax iibsaday laga gooyey qofkii haddii ay adkaato in meheradu ay lacagta (cashuurta ah) soo celin waydo oo markaa ay dawladdii ku soo shubi waydo in markaa tallaabo laga qaado.

Qalabkan kale ee yaryarna waxa loogu talogalay meelaha Shidaalka lagaga shubto ee kaalmaha shidaalka (Petrol Stations) dibada ayuu joogaa had iyo jeer isagu markuu kaa iibiyo shidaalkii inuu halkan ku xisaabiyo, dabadeedna ay halkaa lacagtii ka go’do.”

Qalabkan mishiinnada ah, ayaa fududaynaya in waaxda cashuuraha berrigu ogaato shay kasta amma adeega qofku meherad ka iibsado xaddiga cashuurta ah ee saaran, iyadoo mishiinadan loo adeegsanayo in si fudud loo garto noocyada badeecadaha meher kastaaba iibiso habeen amma maalin kasta, kadibna la soo saaro cashuurta la saaray qofka wax iibsaday ee dawladda u xeroonaysa.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post