X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo Shaqada Ka Joojisay Sagaal Ka Mid Ah Hay’addaha Laga Leeyahay Soomaaliya Oo Mashaariic Qarsoodi Ah Ka Waday Dalka

Araweelo News Network

Axmed Muumin Seed Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa  Shaqada ka joojisay Sagaal ka mid ah Hay’addaha laga leeeyahay Soomaaliya oo Mashaariic yar yar si qarsoodi ah uga fulinayay deegaamo kooban oo ka mid ah gobolada dalka Somaliland.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Horumarinta Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa u xaqiijiyay shebekada Araweelo News Network in gebi ahaanba shaqadii ay ka wadeen deegaamo ka mid ah Somaliland laga joojiyay Sagaal NGOs, kuwaas oo aanay Wasaaradda Beeruhu waxba kala socon mashaariiicda ay ka wadaan deegaamada ay ka shaqeeyaan oo si qarsoodi ah ay uga fulinayeen Mashaariic yar yar, wuxuuna  tallaabadaa ku sheegay mid qayb ka ah meel marinta qorshihii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee xukuumadda cusub.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa go’ aanka shaqa joojinta ee Hay’addahaa u gudbiyay Hay’addaha ay khusayso, kadib markii sida lagu sheegay nuqul ka mid ah Qoraalka qiimayn lagu sameeyay mashaariicda ay fuliyaan Hay’addahaa oo lagu ogaaday in hawlaha mashaariicda ay ka wadaan deegaamadaa aanay ahayn kuwo ay ku qanceen Wasaarad ahaan, Isla markaana ay cadaatay markii baadhitaan Iyo qiimaynta lagu sameeyay  ay yihiin dhammaan hay’addaha shaqada laga joojiyay kuwo aan dawali ahayn oo laga leeyahay Soomaaliya.

Waxayna Wasaaraddu artntaa ku war gelisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Xeer Ilaalinta Qaranka Iyo Hay’addaha siiya mashaariica ee wada shaqaynta la leh, iyadoo Wasaaradda Beeraha Somaliland ka duulaysa qorshaha xukuumadda cusub ee qiimaynta Hay’addaha dalka ee wada shaqaynta la leh Iyo mashaariicda ay dalka ka fuliyaan.

 

Magacyada NGOs laga joojiyay shaqada ayaa kala ah.

ADA, APD. juba Foundtion. RAADO, SOLO, SORRIO, SRDA, ARD, HOD.

Dhinca kale, NGOs, laga joojiyay, ayaa ka hawlgala deegaamo gaar ah oo ka tirsan gobolada Awdal, Sanaag, Sool, Tigdheer, Saaxil, Maroodi-jeex, waxayna ka fuliyaan meelo kooban oo ka mid deegaamadaa Mashaariic kooban, kuwaas oo loo arkay in ay khatar ku yihiin nabadgelyada Iyo jiritaanka Qaranimada Somaliland.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post